Jesse Lingard Oo Labo Sharduud Ku Xiray Inuu Ku Soo Laabto Manchester United

Jesse Lingard ayaa wacdarro dhigayay intii uu amaahda ku joogay West Ham United isagoo dib u la midoobay macalinkiisii hore ee Man United David Moyes.

Advertisements

28 jirkaan ayaa dhaliyay shan gool islamarkaana caawiye ka noqday labo gool kale kaliya todoba kulan oo Premier League ah uu u saftay kooxda reer London isagoo ka caawiyay inay soo galaan kaalinta shanaad ee horyaalka.

Xaqiiqdiina West Ham waxay kaliya labo dhibcood ka danbeysaa kooxda kaalinta afaraad ee Chelsea iyagoo u soo bixi kara tartamada Yurub, sidaasi darteed ma cada haddii Lingard uu doonayo inuu ku laabto Old Trafford si uu u fariisto kursiga keydka.

Marka laga soo tago West Ham, Lingard wuxuu dalabyo ka helayaa kooxo kale kuwaasoo awoodi kara inay si joogta ah uga iibsadaan Shayaadiinta Cas Cas.

Sida ay sheegtay ESPN, weeraryahanka ayaa labo sharuudood ku xiran inuu ku soo laabto kooxda Ole Gunnar Solskjaer.

Tann hore waa inuu boos joogta ah ka helo Red Devils. Saameynta ay ku yeelatay inuu boos joogta ah ka heysto West Ham ayaa sarre u qaaday kalsoonida Lingard, sidaasi darteed ma doonayo inuu mar kale kursiga keydka ku laabto.

Sharuuda labaad ayaa ah in Lingard uu doonayo in Man United ay u soo bandhigto qandaraas cusub madaama qandaraaskiisa kooxda uu ka harsan yahay kaliya hal sanno.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*