Jesse Lingard Oo Faah-Faahiyay Taladii Uu Ka Helay Ronaldinho Taasoo Sababtay Inuu Ku Xasilo Manchester United.

Advertisements

Xiddiga khadka dhexe Man United Jesse Lingard ayaa shaaca ka qaaday inuu jecel yahay wajigiisa in laga dareemo dhoolacadeyn marka uu ciyaarayo kubadda cagta, waana talo uu ka helay sida uu sheegay halyeeyga reer Brazil Ronaldinho.

Xiddigaan heerka caalami wuxuu ka mid yahay haatan ciyaartoyda aan wax badan la adeegsan fasalkaan balse marka uu garoonka soo galo muujiyo inuu diyaar u yahay wax u qabashada kooxda inta uu awoodo.

Jesse wuxuu xirtay marada xushmadda Red Devils habeenkii Khamiista markaas oo ay 2-1 guuldaro ah ka qaateen kooxda Astana kulan ka tirsan UEFA Europa League.

“Marka aan daawado muuqaalada Ronaldinho, waa mid mar walba iska dhoolacadeeya si walba oo ay xaaladu tahay” ayuu yiri Lingard.

Advertisements

“Waa jaceyl uu u qabo kubadda cagta, waxaan xasuustaa markii aan sanado ka hor kula kulmay USA, wuxuu igu yiri – “Si walba oo ay xaaladu tahay, mar walba ku raaxeyso kubadda cagta, mar walba ciyaar iyadoo wajigaaga uu dhoolacadeynayo”

“Wixii markaas ka dmabeeyay, si joogto ah ayaan u sameeyaa, waa waali inaad daawato muuqaaladiisa, kadib waan la kulmay, mar kale ayaan waali dareemay maadaama uu talo isiiyay, waxaadna u qaadaneysaa fariin kaaga timid mid ka mid ah kuwii ugu weynaa”

Comments are closed.