JAWAAB Xasaasi Ah: Lionel Messi Oo Ka Jawaabay Codsigii Cristiano Ronaldo Ee Ahaa Inuu La Casheeyo – Miyuu Ka Aqbalay Mise?

Advertisements

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ugu dambayn ka jawaabay xujadii iyo codsigii uu dhawaan soo hordhigay dhigiisa Cristiano Ronaldo ee ahayd inuu rajaynayo inay mustaqbalka dhaw wada cashayn doonaan.

Labadan shaqsi ahaa ah kuwo in ka badan tobbankii sano ee ugu dambeeyay saaxiib ku ahaa masraxyada ugu waaweyn kubadda cagta caalamka iyagoo markasta si talantaali ah ugu soo kala guuleysanayay abaalmarinaha xiddiga sanadka.

Dhawaan ayay ahayd markii ay ku kulmeen xafladii abaalmarinta xiddiga sanadka ee UEFA waxaana halkaas waraysiyo laga qaaday erayo soo jiidasho leh ka sameeyay Ronaldo.

Ronaldo ayaa sheegay in isaga iyo Messi ay 15 sano ku dhawaad kusoo tartamayeen masraxa isaga oo dhinaca kale xusay inay xidhiidh wanaagsan wada leeyihiin.

Intaa kaddib kabtanka Portugal ayaa yidhi hadal ka qosliyay dadkii xaflada joogay isla markaana ku qasbay inay u sacabo tumaan kaddib markii uu sheegay inaysan isaga iyo Leo wali wada cashayn balse uu mustaqbalka rajaynayo.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Ay Waji Gabaxa Kala Kulantay Granada - Waa Kuma Xiddiga Garoonka? Waase Kuwee Xiddigaha Fashilmay?

Haatan, Messi oo ka faalooday xujadaas ayaa sheegay aqbali lahaa casuumadaas haddii uu ka helo Ronaldo walow uu dhinaca kale xusay in labadooda uu midkasta leeyahay noloshiisa gaarka ah.

Advertisements

Messi ayaa yidhi “Haa, Aniguw wax dhib ah kuma qabo midaas, Waxaan markasta sheegay inaanan wax dhibaato ah ku qabin isaga, Laga yaabaa in aanan asxaab ahayn sababtoo ah waligay maanu wadaagin hal qol labis laakiin markasta waxaan ku arkaa barnaamijyada abaalmarinaha mana jirto wax dhib ahi”.

“Anigu ma garanayo haddii ay jiri doonto casho sababtoo ah ma garanayo haddii wadooyinkayagu ay sababo caddaan ah ku gudbi doonaan, Midkasta oo naga mid ahi waxa uu leeyahay noloshayada gaarka ah iyo ka go’naanshahayaga gaarka ah, Laakiin sida iska cad waan aqbali lahaa casuumaada”.

Comments are closed.