Jamie Carragher: “Raheem Sterling Wuu Ka Fiican Yahay Neymar, Wuxuuna Ku Guuleysan Doonaa Ballon d’Or”

Advertisements

Halyeeyga Liverpool ahna khabiirka Sky Sports ayaa maqaal uu maanta ku qoray wargeyska The Telegraph waxa uu kaga hadlay horumarka uu sameeyay xiddiga Manchester City iyo England Raheem Sterling.

Carragher ayaa qirtay inuu ku qaldanaa fekerkii hore ee uu ka aaminsanaa Raheem Sterling kaasoo ka tagay Liverpool una wareegay Man City oo uu guulo badan la gaaray.

Sterling ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u fiican sannadkan 2019 iyadoo dad badan ay la meel dhigayaan xiddigaha ugu fiican dunida, laakiin wareysi uu dhawaan bixiyay ayuu ku sheegay inuu u baahan yahay in dhowr sannadood sidaan u ciyaaro ka hor inta uusan la mid noqonin Messi iyo Ronaldo.

Laakiin Jamie Carragher ayaa aaminsan in Sterling uu durbaba ka fiican yahay xiddiga Paris Saint-Germain Neymar.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Raheem Sterling iyo xiddiga Faransiiska Kylian Mbappe inay noqon doonaan xiddigaha bedeli doona Messi iyo Ronaldo, isagoo saadaaliyay in Sterling uu ku guuleysan doono Ballon d’Or.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Aaron Ramsey Oo Goolkii Ugu Horeysay Dhaliyay, Cristiano Ronaldo Oo Guusha Xaqiijiyay & Juventus Oo Hogaanka U Qabatay Serie A

“Waxaan haatan ku qiimeeyaa Raheem Sterling inuu ka sareeyo Neymar” ayuu yiri Jamie Carragher.

Advertisements

“Hamigiisa isaga iyo Kylian Mbappe waxa ay buuxin doonaan booska ay baneeyaan Messi iyo Ronaldo marka ay ciyaaraha ka fariistaan.

“Sterling waxa uu ku guuleysan karaa abaalmarinta Ballon d’Or afarta ama shanta sanno ee soo socota.”

Comments are closed.