Jamie Carragher Oo Sharaxay Ujeedada Mohamad Salah Uu Ka Lahaa Wareysigii Ugu Danbeeyay

Jamie Carragher ayaa aaminsan in hadaladii uu Mohamed Salah u sheegay warbaahinta Isbaanishka inay ahaayeen fariin ku socotay maamulka Liverpool si loogu soo bandhigo qandaraas cusub.

Advertisements

Salah ayaa mugdi geliyay mustaqbalkiisa kooxda isagoo albaabka u furay inuu u wareegi karo mustaqbalka Real Madrid ama Barcelona wareysi uu dhawaan siiyay jariirada AS.

Weeraryahanka Liverpool ayaa yiri: “Waxaan qabaa in Madrid iyo Barcelona ay yihiin kooxo waa weyn.

“Ma ogaan karno waxa dhaca mustaqbalka, laakiin haatan waxaan diirada saarayaa ku guuleysiga Premier League iyo Champions League mar kale.”

Markii la weydiiyay ilaa iyo mudada uu sii joogayo Anfield, xiddiga reer Masar ayaa ku jawaabay: “Taasi waa su’aal adag, laakiin waqti xaadirkaan wax walba waxay ku jiraan gacmaha kooxda.

“Dabcan waxaan doonayaa inaan rikoodho ku jabiyo halkaan, inaan ku celiyo rikoodh walba oo kooxda ah laakiin wax walba waxay ku jiraan gacmaha kooxda.”

Laakiin Carragher oo maqaal ku qoray wargeyska Daily Telegraph ayaa aaminsan in hadalada Salah ay yihiin fariin si toos ah ugu socota maamulka Liverpool.

Halyeeyga Liverpool ayaa qoray: “Waqtiga uu ciyaaryahanka ku soo aadiyay inuu baahiyo sheekooyinkaan suuqa kala iibsiga waa mid qariib ah. Aragtideyda waxay ila tahay inuu fariin u dirayo milkiilayaasha Liverpool si qandaraas cusub oo mushahar kordhin ah loogu soo bandhigo.

“Inay arkaan ciyaartoydooda oo ay ka hadlaya kooxaha La Liga waa ay walwal gelin laheyd Liverpool shan sannadood ka hor. Laakiin haatan maya.

“Igama dhaadhacsana in Madrid iyo Barca ay awoodi karaan Salah. Inaad ku qarashgareyso in ka badan 125 milyan ginni ciyaaryahan 29 sanno jir noqonaya xagaaga ma ahan ganacsi fiican.”

Advertisements

SIDOO KALE AKHRISO:

Mohamed Salah Oo U Dabaaldegay Ciida Masiixiga & Carro Ka Dhalatay

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*