Jamie Carragher Oo Digniin Siiyay Saxiixa Cusub Ee Man United Bruno Fernandes Ka Hor Kulanka Chelsea.

Advertisements

Halyeeyga hore Liverpool Jamie Carragher ayaa digniin u diray saxiixa cusub ee Man United Bruno Fernandes ka hor kulanka Chelsea ee dhici doona Isniinta, wuxuuna u sheegay inuu wax badan ka duwan yahay kulankiisii ugu horreeyay ee Wolves.

Man United ayaa u safri doonta Stamford Bridge si ay halkaas ugula soo ciyaarto Blues, waxaana xusid mudan in kooxda martida loo yahay ay dooneyso aargoosi kadib wixii Old Trafford kusoo qabsaday bilowgii fasalkaan.

Kabtankii hore Sporting Lisbon ayaa aad loo amaanay bandhigiisii kulankii ugu horreeyay uu ka hortagay Wolverhampton, sidoo kalana wuxuu helay fursadda fasaxa qaboobaha taasoo la filayo iney ka saacidi doonto inuu saaxiibadiis dhex galo maadaama uu safarka Marbella ka qeyb galay.

Si kastaba halyeeyga Liverpool wuxuu dareensan yahay in Bruno uu galbeedka London ku wajahi doono khad dhexe ka adag kuwa Wolves, isla markaana uu u baahan yahay inuu awoodiisa u muujiyo si karti leh.

“Mar walba waxaan ka fakaraa khadka dhexe markaan ka hadlaayo Chelsea, sababtoo ah waxey ka xoogan tahay booskaas maadaama ay heysato Jorginho, Kante iyo Kovacic” ayuu yiri Jamie oo ka hadlayay Sky Sports.

“Dhabtii wey xoogan yahiin, waxeyna sidoo kale sii heli karaan Mason Mount iyo Ross Barkley kuwaas oo lasoo galin karo”

“Red Devils saxiixyo ayey sameysay, Bruno ayaa yimid, wuxuuna kulankiisii koowaad qaab adag kala hortagay Wolves”

“United ayuu la maqan yahay, inuu soo barto saaxiibadiisa, wax badan is dhex galaan waa wax xiiso leh, hadii uu ciyaaro khadka dhexe ama lambarka 10-aad oo uu labaduba ciyaaray kulankii Wolves”

Advertisements

“Waa wax xiiso leh waxa ka dhici doona booskaas, sababtoo ah waa meel ay United u baahneed iney iska xoojiso maadaama ay maqan yahiin Pogba iyo Scott, sidaas darteed waxaan filayaa iney meeshaas tahay meesha lagu kala guuleysan karo”

“Waa wax xiiso leh in la arko Bruno oo ka kabanaya dhibtaas, inaad Blues kula soo ciyaarto banaanka waa wax aad uga duwan inaad gurigaaga kula ciyaarto Wolves”

Comments are closed.