Jamaahiirta Xulka Jarmalka Oo Ka Hor Bilowgii Kulankii Saaxiibtinimo Ee Xalay Ka Careysiiyay Taageerayaasha Argentina.

Advertisements

Taageerayaasha Xulka Jarmalka ayaa xalay si xun kaga careysiiyay dhigooda Argentina ka hor inta aysan bilaaban ciyaartii ay labada qaran ku ciyaareen magaalada Dortmund, muddo kadib ayeyna is arkeen labadaan wadan ee ka mid ah kuwa ugu taariikhda fiican kubadda cagta.

Jamaahiirta Jarmalka ee xalay martida loogu ahaa garoonka Signal Iduna Park waxey sameeyeen farshaxan aad ay uga caroodeen dhigooda Argentina, waxeyna sawir ka sameeyeen goolkii uu Mario Goetze guusha ugu sahlay qaranka Jarmalka koobkii Adduunka 2014.

Labadaan xul ayaa isku arkay final-ka koobka Adduunka 2014, kulankii Maracana ka dhacday ee gaaray 120-ka daqiiqo wuxuu ku dhamaaday gool qura uu dhaliyay Mario Goetze.

Advertisements

Jarmalka iyo Argentina ayaa xalay ciyaaray kulan saaxiibtinimo oo ku dhamaaday barbaro 2-2.

Xulka martida loo ahaa ayaa qeybtii hore ciyaarta laba gool ku hormaray kadib markii ay goolal ka heleen Gnabry iyo Havertz, balse wiilasha reer Koonfur America qeybtii dambe ayey laba gool ka heleen Alario iyo Ocampos.

Comments are closed.