Jamaahiirta United Ma Rumaysan Karaan!! – Sababta Yaabka Leh Ee Uu Ed Woodward Agaasime Ciyaareed Ugu Magacaabi Waayay Man United Oo La Ogaaday.

Advertisements

Guddoomiye ku xigeenka kooxda Manchester United ee Ed Woodward ayaa lasoo sheegayaa sababta uu kooxdiisa ugu diidan yahay inay yeelato agaasime ciyaareed oo ah booska ay jamaahiir badani dalbanayaan in la buuxiyo.

Woodward ayaa mudo soo ahaa guddoomiye ku xigeenka United isaga oo hore ugu soo shaqeeyay doorka maalgaliye baan maadaama oo uu ahaan jiray xisaabiye laakiin sanadkii 2012 ayuu shaqadiisa haatan helay.

Woodward ayaa awood badan ku leh go’aan qaadashada Manchester United ee haatan isaga oo ah shaqsiga ugu sarreeya kooxda marka laga yimaada qoyska Glazer ee iska leh mulkiyada kooxdaas.

Wargeyska kasoo baxa England ee Mirror oo sheeko cusub ka qoray 48 sano jirkan ayaa sababta uu agaasime ciyaareed ugu magacaabi la’yahay Red Devils ku sifeeyay sababtoo ah inuu diidan yahay in lala qaybsado awooda kooxdaas.

Advertisements

Ed ayaa ah shaqsiga waxna magacaaba waxna caydhiya ee Man United isagoo ahaa ninkii sameeyay go’aanadii lagu caydhiyay David Moyes, Van Gaal iyo Jose Mourinho si lamid ah magacaabistii Ole Gunnar Solskjaer ee 2018.

Hadalkan kasoo yeedhay Mirror iyo sababta ay ku sifeeyeen magacaabis la’aanta Woodward ee agaasime ciyaareed ayaa ah arrin kale oo sii kordhinaysa cadhadii ay taageerayaasha kooxdaasi u qabeen Woodward oo ay u arkaan nin aan lahayn aragti kubada cagta ah.

Comments are closed.