Jamaahiirta Real Madrid Oo Warkii Ay Sugayeen Ka Helay Eden Hazard & Xogtii Ugu Dambaysay Ee Xaaladiisa Dhaawac

Advertisements

Real Madrid ayaa guul weyn oo muhiim ah oo 3-1 ahayd kasoo gaadhay kooxda uu loolanka taariikhiga ahi ka dhaxeeyo ee Barcelona waxaana ay haatan diirada saarayaan ciyaarta UEFA Champions League ee ay booqanayaan Borussia Monchengladbach.

Real ayaa goolasha ay guusha dahabiga ah kusoo gaadhay shalay ka kala heshay xiddigaha kooxdeeda ee Federico Valverde, Sergio Ramos iyo Luka Modric halka uu goolka Barcelona qalinka ku duugay 17 sano jirka Ansu Fati.

Image

Si kastaba, warka wanaagsan ee ay Los Blancos heshay kahor ciyaarteeda Champions League ayaa ah in xiddiga qiimaha badan ugu fadhiya ee Eden Hazard uu awooday inuu tababarkii maanta xiddigaha kooxda la qaato oo uu waliba dhammaysto.

Advertisements

Hazard ayaa xilli ciyaareedkiisii labaad ku qaadanaya Estadio Santiago Bernabeu, iyadoo la ogyahay inuusan wixii laga filayay soo bandhigin doorkii hore ayay rajo weyn taageerayaasha kooxdiisu markan ka qabaan walow uu dhaawac ku bilawday.

Iyadoo ay hore dhaawacyo ugu maqnaayeen Dani Carvajal iyo Alvaro Odriozola ayuusan tababarka maanta awoodin Nacho Fernandez oo booska daafaca midig ka ciyaaray ciyaartii shalay balse dhaawac uga baxay.

Lucaz Vazquez ayuu ahaa ciyaaryahankii uu booska daafaca midig u adeegsaday tababare Zinadine Zidane shalay waxaana ay u badantahay inuu kulanka Monchengladbach ee Germany isla isagu ka ciyaari doono toddobaadkan.

Ugu dambayn, walow da’yarka muhiimka u ah Zidane ee Federico Valverde uu daal ku dhammaystay kulankii Clasico ee shalay haddana waxa uu diyaar u yahay ciyaarta soo socota.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*