Jamaahiirta Arsenal Oo La Xasuusiyay Mar Uu Ku Digtay Jose Mourinho Xilli Ay Arintaan Caqabad Ku Noqon Karto Hamigiisa Ah Inuu Badalo Unai Emery.

Advertisements

Jose Mourinho ayaa si weyn loola xiriirinayaa shaqada Arsenal maadaama uu shaqo la’aan yahay, waxeyna arintaan cadaadiska ku kordhineysaa tababaraha la saluugsan yahay ee Unai Emery.

Macalinka reer Portugal wuxuu isha ku hayaa inuu maamulo kooxdii saddexaad ee ka dhisan Premier League, sidaas darteed kooxda ugu dhaw waa Gunners oo ku dhibaatooneysa hanaanka uu wax u maamulo Unai Emery, waxaana jirta xan badan oo ku gadaaman xiriir u dhaxeeya Mourinho iyo maamulka kooxda.

Si kastaba Jamaahiirta Arsenal waxaa la xasuusiyay mar uu laba sano ka hor ku digtay, kadib kulan ay Gunners 2-0 kaga badisay kooxdiisii xilligaas ee Man United, waana markii labaad oo ay Arsenal ka badiso koox uu hogaamiyo Mourinho wakhtigiisa oo dhan.

Markaan dib ugu laabano 2017, Arsenal ayaa 2-0 ku dhufatay kooxdii uu wataya Mourinho ee Man United, balse macalinka reer Portugal wuxuu isku dayay inuu ka careysiiyo jamaahiirta Gunners wuxuuna yiri:

“Waan ku faraxsanahay iyaga, waana markii ugu horresay oo aan baxayo ayagoo faraxsan, waan ka baxay Highbury iyagoo ooynaya”

“Waxaan ka baxay Emirates hadana iyagoo oynaya, wadooyinka ayey ku socdaaleen iyagoo hoos u dhigaya madaxooda, maantana waxey la baxeen maryahooda”

Advertisements

“Waa koox weyn, waxaad ku fakareysaa inaan ku raaxeysanayo koox weyn sida Arsenal oo aan ku guuleysaneynin koob? maya kuma raaxeysanaayo, balse maanta waxaan isku dayay inaan guuleysto”

Ilaa maanta ma iloobaan jamaahiirta Gunners hadalkaas, waana arrin laga yaabo iney caqabad ku noqoto Jose Mourinho, hadii aysan taageerayaasha cafin macalinkaan waxey ka dhigan tahay iney maamulka qof kale raadin doonaan.

Comments are closed.