Jadwalka Kulamada Liverpool Ee Bishaan December Oo Waali Ah – Akhriso Liiska Kulamada Ay Ciyaareyso Reds Bishaan

Advertisements

LLiverpool ayaa sideed dhibcood ku hogaamineyso horyaalka Premier League, waxaana ay hogaankooda ka dhigan karaan 11 dhibcood caawa haddii ay ka badiyaan kooxda Everton.

Si kastaba, waxa ay bishaan ciyaarayaan sagaal kulan 26 maalmood gudaheed. Taasoo la micno ah in celcelis ahaan ay kulan ciyaarayaan 2.8 maalmood kasta iyagoo geli doona safar gaaraya 11 kun mayl.

Waxaa xaaladooda sii adkeysay ka qeyb qaadashada koobka kooxaha Adduunka ee ka dhacaya dalka Qatar.

Tababare Jurgen Klopp ayaa xitaa qorsheynaya in labo kooxood uu kala safo labo maalmood oo isku xigta labo tartan oo ay ku kala ciyaarayaan labo wadan.

Aston Villa ayay la ciyaarayaan Carabao Cup iyadoo maalinta ku xigta ay Qatar ku dheeli doonaan Club World Cup.

Jadwalka kulamada Liverpool ee bisha December:

December 4: Everton (minan)

December 7: Bournemouth (marti)

December 10: Salzburg (marti)

December 14: Watford (minan)

December 17: Aston Villa (marti)

December 18: FIFA Club World Cup

December 21: FIFA Club World Cup

December 26: Leicester (marti)

December 29: Wolves (minan)

Advertisements

Kooxda hogaamineysa horyaalka waxa ay bishaan gudaheed ciyaari doontaa afar tartan oo kala duwan oo kala ah Premier Leagie, Carabao Cup, Club World Cup iyo Champions League.

Waana sababta uu Klopp u doonayay inay ka haraan Carabao Cup inkastoo ay markii danbe guul ciriir ah ka gaareen kooxda Arsenal oo ka faa’ideysan weysay.

Comments are closed.