Jadon Sancho Oo Ka Tagaya Borussia Dortmund Xagaaga & Koox Ingariis Ah Oo U Dhow Saxiixiisa

Advertisements

Jadon Sancho ayaa la sheegayaa inay hubaal tahay inuu isaga tagi doono kooxda Jarmalka ee Borussia Dortmund xagaaga iyadoo Manchester United ay hogaamineyso kooxaha xiiseynaya xiddiga Ingariiska, sida ay sheegtay TV-ga Sky Sports Germany.

Warkaan ayaa soo baxay iyadoo shalay uu ku dhawaaqay madaxa maamulka kooxda Manchester United Ed Woodward inuu isbedelo waa weyn sameyn doono xagaaga.

Kooxda Red Devils ayaa haatan go’aansatay inay dalab ka gudbiso xiddiga Ingariiska ee kooxda Dortmund Jadon Sancho.

Sida ay wararku sheegayaan Man United ayaa dalab gaaraya 142.5 milyan euro ka gudbin doona xiddiga Dortmund si ay saxiixiisa uga dulqaadaan Chelsea oo markii hore ku dhaweyd.

Advertisements

19 jirkaan Ingariiska ah ayaa xilli ciyaareed aad u fiican la qaadanaya kooxda BVB. Waxa uu dhaliyay 15 gool 29 kulan uu saftay halka uu caawiye ka noqday 17 gool kale tartamada oo dhan.

Qandaraaska uu kula joogo kooxda Borussia Dortmund ayaa dhamaanaya sannadka 2022, taasoo la micno ah in Dortmund ay lacag fiican ku heli doonto iibintiisa xagaaga.

Comments are closed.