“Wuxuu Isoo Xasuusiyaa Andres Iniesta Wakhtigiisii Ugu Qurxuda Badnaa”

Advertisements

Weeraryahankii hore kooxda Aston Villa Gabby Agbonlahor ayaa aaminsan in kabtanka kooxda reer England Jack Grealish uu soo xasuusiyo Andreas Iniesta oo ku jira wakhtigiisa ugu quruxda badan, wuxuuna hadalkaan kusoo aadayaa xilli uu heshiis cusub u saxiixay kooxda.

Kabtanka Aston Villa ayaa soo afjaray warar xan ah oo la xiriirinayay Man United kadib markii uu shan sano oo heshiis ah qalinka ugu duugay kooxdiisa, waxeyna tani keentay inuu amaan ka helo Agbonlahor oo horay usoo maray Villa.

25-jirka tayada wanaagsan wuxuu ka mid yahay xiddigaha dhalinta yar ee xirfadda dabiiciga lagu tuhmaayo, lana rajeynayo iney gaaraan maqaam sare, waxaana si weyn loola barbardhigay Andreas Iniesta oo lagu tilmaamo xiddigaha ugu fiican khadka dhexe ee wakhtigiisa soo maray kubadda cagta.

Advertisements

Agbonlahor wuxuu aaminsan yahay inuusan waligiis ku koox noqon xiddig ka xirfad fiican Jack Grealish marka ay noqoto in si dabiici ah loo ciyaaro, wuxuuna tusaale usoo qaatay Iniesta oo guulo waaweyn la gaaray Barcelona & qaranka Spain.

“Jack Grealish wuxuu isoo xasuusiyaa Andreas Iniesta wakhtigiisii ugu quruxda badnaa, waligey ma arkin wax isaga la mid ah, kaliya xirfadda dabiiciga uu leeyahay” ayuu yiri Agbonlahor oo lagu casuumay barnaamijka (Breakfast) ee ka baxa idaacadda TALKSport.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*