JACAYL: Jack Grealish Oo Jacayl U Qaaday Gabadh Quruxley Ah & Dhibaatada Qabsatay Markii Uu Saaxiibkeed Ogaaday

Kabtanka kooxda Aston Villa ee Jack Grealish  ayaa toddobaadkan lagu hadal hayaa warbaahinta Ingiriiska kaddib markii la ogaaday inuu jacayl u qaaday gabadh quruxley ah oo lagu magacaabo Natalia Zoppa.

Advertisements

Xiddigan khadka dhexe ayaa la sheegay inuu farriimo muujinaya jacaylkiisa uu u diray Natalia Zoppa, laakiin dhibaatada haysataa ay tahay in gabadhani ay leedahay wiil ay saaxiibbo yihiin oo markiiba ogaaday arrintan.

Lama sheegin in Natalia Zoppa ay xogta Jack Grealish la wadaagtay saaxiibkeed iyo in uu si kale ku ogaaday, hase yeeshee wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK ayaa qoray caasha ku habsaday kubbad-sameeyahan iyo in uu farriimo u diray gabadhan.

25 jirkan ayaan jawaab ka bixin arrintan, halka Zoppa ay iyaduna ka aamusan tahay oo aan laga haynin wax war ah.

Advertisements

Laakiin wiilka ay saaxiibbada yihiin oo lagu magacaabo Hass Saleh oo arrintan ogaaday ayaa aad uga xumaaday, waxaana muuqaal uu soo duubay uu soo dhigay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok.

Hass Saleh ayaa Video-gan ku ydihi: “Maanta maalin iiga xun ma jirto, xiddiga ugu fiican horyaalka Prekmier League ayaa isku dayay inuu shukaansaday gacalisadayda..”

Wiilkan ayaa intii uu muuqaalka daawashada ah ka hadlayey waxa uu gacalisadiisa Zoppa u sheegay in Grealish ku darto  boggeeda OnlyFans, laakiin Zoppa oo iyaduna u jawaabtay saaxiibkeed ayaa tidhi: “Uma dirayo bogga OnlyFans.”

Jack Grealish oo ah kabtanka Aston Villa ayaa xilli ciyaareedkan ku jira xiddigaha ugu wanaagsan horyaalka Premier League iyadoo uu dhaliyey goolal badan, sidoo kalena uu caawin sameeyey.

Kooxdiisa Aston Villa ayaa fadhida kaalinta sagaalaad ee horyaalka Premier League laakiin waxa baaqi u ah laba ciyaarood oo haddii ay badiso ay soo fadhiisan doonto booska shanaad ee horyaalka.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*