Iska Ilow Mourinho, Van Gaal & Moyes – Ole Gunnar Solskjaer Oo Isku Qoray Taariikhda Man United Ee Ka Dib Sir Alex Ferguson

Advertisements

Ole Gunnar Solskjaer ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee Manchester United ee hogaanka u qabta horyaalka Premier League iyadoo xilli ciyaareedka uu kala bar marayo tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson ku guuleystay horyaalka xilli ciyaareedkii 2012-13.

Red Devils ayaa ka sarre martay Liverpool xalay oo Talaado ah iyagoo noqday kooxda kaalinta 1aad ee Premier League.

Kubad qurxoon uu dhaliyay Paul Pogba ayay Manchester United kaga badisay Burnley.

Waxay guushaan la micno noqotay in Man United ay hogaanka qabatay markii ugu horeysay tan iyo bishii September 2017.

Laakiin taasi waxay aheyd iyadoo kaliya la ciyaaray afar kulan xilli ciyaareedka, waxayna xilli ciyaareedkaas ku dhameysteen iyagoo 19 dhibcood ka danbeeya Manchester City.

Si kastaba, iyadoo la ciyaatay 17 kulan islamarkaana ay leeyihiin 36 dhibcood ma jiro tababare sidaas sameeyay tan iyo markii uu Ferguson baxay oo aan ka aheyn Solskjaer.

Tababaraha halyeeyga ah ee Old Trafford ayaa ku guuleystay horyaalka xilli ciyaareedkiisii ugu danbeysay oo aheyd sideed sannadood ka hor.

David Moyes, Louis van Gaal iyo Jose Mourinho ayaa dhamaantood ku guuldareystay inay xitaa Man United kaalinta koowaad soo geliyaan iyadoo xilli ciyaareedka la dheelay in ka badan 10 kulan.

Xilli ciyaareedkii 2012-13, Man United waxay hogaanka qabatay 24kii November iyagoo dheelay kulankoodii 13aad ee xilli ciyaareedka, waxayna booskaas hayeen ilaa iyo uu xilli ciyaareedka ka dhamaado.

Ugu danbeyn waxay horyaalka ku qaadeen 89 dhibcood iyagoo 11 dhibcood ka sareeyay kooxda kaalinta labaad ee Man City.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*