Iska Ilow Mauricio Pochettino! Macalinka Badali Doona Ole Gunnar Solskjaer Kadib Euro 2020 Oo La Kashifay.

Advertisements

Tababaraha xulka England Gareth Southgate ayaa lagu soo warramayaa inuu hogaaminayo liiska tababarayaasha laga yaabo iney la wareegaan shaqada Man United kadib tartanka Euro 2020, waase hadii Ole Gunnar Solskjaer uu hagaajin waayo hanaanka kooxda.

Maamulka Red Devils ayaa la aaminsan yahay iney Ole Gunnar Solskjaer siin doonaan wakhti uu ku hagaajiyo dhibaatada jirta, inkastoo ay soo baxeen isbuucii hore warar sheegaya in la siin doono hal suuq uu ciyaartoyda uu u baahan yahay kusoo iibsado hadana ma muuqato arintaas.

Ole Gunnar wuxuu galabta la ciyaari doonaa Tranmere oo ka dhisan heerka saddexaad kulan ka tirsan koobka FA Cup-ka, wuxuuna helay kaliya 2-guulood 7-dii ciyaarood ee ugu dambeysay uu maamulo kooxda dhamaan tartamada oo dhan.

Sida lagu qoray Mail Online, Ole Gunnar ayaa la ceyrin doonaa hadii uusan hormarin ku sameyn kooxda ilaa laga gaaro dhamaadka fasalkaan, waxaana macquul ah inuu shaqadiisa waayo.

Sidaas darteed Gareth Southgate oo hab maamulkiisa qaranka England aad loo amaanay ayaa ku jira liiska macalimiinta lala xiriirinayo iney badalaan macalinka reer Norway.

Kadib koobka Euro2020 ayuu qaban doonaa xilka kooxdaan hadii uu Ole Gunnar iska badali waayo sida uu ku socdo, sidoo kale Mauricio Pochettino ayaa ku jira liiskan mana ka marna Massimiliano Allegri.

Comments are closed.