Iska Illow Toni Kroos, Xiddig Kale Oo Laf-dhabar Ah Shalay Ka Dhaawacmay Real Madrid, Kulanka Liverpool Oo Uu Seegayo Iyo Jugta Gaadhay Zidane

Real Madrid ayaa lagu wargeliyey laba dhaawac hal maalin gudaheed, waxaana iyagoo madaxu ka xanuunayo xogta muujinaysa in Toni Kroos uu ku dhaawacmay xulka qaranka dalkiisa oo uu dib ugu soo laabanayo magaalada Madrid, ay haddana ogaadeen in mid ka mid ah laacibiintii isbeddelka ku sameeyey kooxda bilihii ugu dambeeyey uu isaguna dhaawac soo gaadhay.

Advertisements

Xiddiga khadka dhexe ee Fede Valverde oo ka baaqday ciyaaraha caalamiga ah kaddib markii xidhiidhka kubadda cagta Latin America uu joojiyey kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ayaa laga saaray tababarka Real Madrid ee Salaasadii, kaddib markii uu dhibaato ka dareemay muruqa ah.

Laacibkan oo kasoo laabtay dhaawac muddo dheer uu ku maqnaa laakiin bishii hore qayb weyn ka qaatay guulihii kooxda iyo isbeddelkii ciyaareed ee ku yimid Los Blancos ayaa la sheegay in uu ka maqnaan doono kulanka lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, inkasta oo wali aanay dhakhaatiirtu warbixin rasmi kasoo saarin.

Zidane oo kulamada caalamiga ah ay uga baxeen ciyaartoydiisa ay ka midka yihiin Toni Kroos, Thibaut Courtois, Sergio Ramos, Raphael Varane, Ferland Mendy, Luka Modric iyo Andriy Lunin, ayaa waxa kale oo dhaawac uga maqan Mariano Dias, Dani Carvajal, Alvaro Odriozola, Eden Hazard iyo Dani Carvajal.

Advertisements

Tababarkii uu ciyaartoydiisa aan u bixin kulamada caalamiga ah iyo dhaawacyada ku siinayay Valdebebas, ayaa waxa Zidane ka kala dhantaalay dhaawaca soo gaadhay Vede Valverde oo tamar aad u sarraysa kula soo laabtay safka kooxda.

Valverde ayaa ka garab ciyaaray Kroos, Modric iyo Casemiro, taas oo keentay in qaabka kooxdu kusoo noqdo 4-4-2, halkii uu hore uga ahaan jiray 4-3-3.

Si kastaba, kulanka Eibar ee Arpil 3 iyo Liverpool ee saddex maalmood kaddib ayaa la sheegay in uu seegayo Valverde, laakiin waxa aan wax macluumaad ah laga bixin ciyaarta El Clasico ee Barcelona oo maalmo kaddib ah iyo lugta labaad ee Liverpool ay u tegayaan usbuuca xiga.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*