Iska Horimaadka Virgil van Dijk vs Timo Werner Oo Go’aansan Doona Kulanka Chelsea Iyo Liverpool Ee Axada – Laakiin Kumaa Orod Badan Labadaan Xiddig?

Advertisements

Chelsea ayaa martigelineysa Liverpool Axada iyadoo labada kooxood ay doonayaan inay sii wataan guusha ay ku bilowdeen xilli ciyaareedkan 2020-21.

Waa kulan xiiso badan oo la filayo inay ka soo baxdo qaab ciyaareed ay ku riyaaqaan taageerayaasha, laakiin iska horimaadka sida weyn isha loogu heyn doono waa: Timo Werner vs Virgil van Dijk.

Werner ayaa kulankiisii ugu horeysay ee Blues u saftay kulankii ay ka badiyeen Brighton, inkastoo uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto hadana wuxuu ku guuleystay rigoore.

Advertisements

Xiddiga Jarmalka ayaa ciyaartaas ka dib qirtay inuusan waligiis ka horimaanin daafacyo waa weyn sida seddexdii daafac danbe ee kooxda Brighton.

Laakiin uma sahlanaan doonto marka uu Werner ka horyimaado xiddiga dhererka iyo xooga badan Van Dijk kulanka Stamford Bridge.

Chelsea ayaa la filayaa inay qaab ciyaareedkeeda wax ka bedeli doonto Axada iyagoo aan kubada dhaadheer u qaadi doonin Werner madaama uu xiddiga Jatmalka shan inji ka gaaban yahay daafaca dheer ee reer Holland.

Si kastaba, waxaa la filayaa inay isku dayi doonaan inay kubado degdeg ah oo xawaare sarre ah ku dhaafaan xariiqda daafaca ee Liverpool.

Reds ayaa laga dhaliyay seddex gool kulankoodii ugu horeeyay xilli ciyaareedkan iyagoo 4-3 kaga badiyay kooxda ku cusub Premier League xilli ciyaareedkan ee Leeds.

Waxaa ka muuqday qalqal difaacasho kulankaas iyagoo iska celin waayay kubadaha rogaalceliska ah ee xawaaraha sareeya.

Dhibaatada kaliya ee Frank Lampard heysata ayaase ah in Van Dijk uu u orod badan yahay sida weerarayahanadiisa islamarkaana ay u dheer tahay inuu leeyahay dherer iyo xoog.

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay daafaca reer Holland waxaa loo diiwaangeliyay xawaate gaaraya 21.4 mayl saacadii, wuxuuna ka mid yahay daafacyada ugu orodka badan dunida.

Xiddiga kale ee ka garab ciyaaraya Joe Gomez isna ma ahan mid gaabiya Van Dijk, waxaana loo diiwaangeliyay xawaare gaaraya 21.5 mayl saacadii.

Inkastoo Liverpool ay heysato labada daafac ee ugu orodka badan Engkland, hadana uma dhigmaan weeraryahanka Chelsea Timo Werner kaasoo loo diiwaangeliyay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay inuu ku orday xawaare gaaraya 21.7 mayl saacadii.

Waxaa taas dheer in madaama Werner uu ka jir yar yahay daafacyada waa weyn ee Liverpool inuu si dhaqso ah ku dhaafi karo isagoo adeegsanaya xawaarihiisa sareeya.

Iska horimaadka Van Dijk iyo Timo Werner ayaa go’aansan doona natiijada kulanka Axada.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

4 Fekradood

  1. Markan o kale baa kubadda sharafta loga ciyaaray marka Van Dijk ilmahan laso garab istaajiyo War Niman yahoow naga xishooda ciyaalkan naga hor wareejiya Fadlan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*