Iska Bax!! Tababare Zinadine Zidane Oo Toos U Fasaxay Xiddig Real Madrid Ah Oo U Sheegay Inuu Doonayo Bixitaan Deg-Deg Ah

Advertisements

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa lagu soo warramayaa inuu u ogolaaday inuu kooxda iskaga baxo khadka dhexe ee ree Spain ee Isco kaas oo aan xulashadiisa meel wanaagsan kaga soo jirin dhawaanahan.

Isco ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay inuu iskaga tagi doono Estadio Santiago Bernabeu oo uu mustaqbalkiisa meel kale ka raadsan doono iyadoo ay jiraan kooxo dhawr ah oo lala xidhiidhinayo.

Kooxda ugu horreysa ee maskaxdaaada kusoo dhacaysa wakhtigan marka aad bixitaanka Isco maqasho ayaa ah Everton oo uu hoggaan u yahay macalinkii Real Madrid kusoo tababaray Isco ee Carlo Ancelotti.

Advertisements

Ancelotti ayaa horeba usoo muujiyay awoodiisa ah inuu xiddig Los Blancos ka tirsan ku qancin karo inuu Toffees ugu yimaado kaddib markii uu James Rodriguez suuqii xagaaga keenay Goodison Park isagoo si cajiib ah u anfacay.

Si kastaba, sida uu haatan sheegayo wargeyska xogtiisa lagu kalsoon yahay ee Marca, Isco oo la hadlay Zidane ayaa si cad ugu sheegay inuu doonayo inuu kooxda iskaga tago halka uu macalinka ree France-na ku qancin inuu sii joogo taas oo ka dhigan inuu albaabada u furay.

28 sano jirkii hore ee Malaga ayaa kaliya saddex kulan oo horyaalka La Liga ah kusoo bilawday ilaa haatan xilli ciyaareedkan halka uusan wali 1 daqiiqo ka ciyaarin UEFA Champions League.

Sababta ugu weyn ee uu Isco u doonayo inuu iskaga tago Real Madrid ayaa ah inuu tago koox uu boos ka helo si uu ugu soo baxo liiska xiddigaha xulka qaranka Spain uga qayb galaya Euro sanadka dambe ee 2021.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*