Isbarbardhiga Kooxaha Ay Man United & Liverpool La Ciyaarayaan 10ka Kulan Ee Soo Socda Premier League & Sida Ay U Jiheyn Karto Tartanka Horyaalka

Advertisements

Ka dib markii ay ku guuleysteen horyaalkoodii ugu horeeyay ee muddo 30 sannadood ah, Liverpool ayaa wajaheysa howl adag oo ay ku difaacaneyso koobka.

Reds ayaa xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku dhameysatay iyagoo 18 dhibcood ka sareeya kooxda kaalinta labaad ee Man City halka ay 33 dhibcood ka sareeyeen Manchester United.

Laakiin iyadoo haatan lagu dhow yahay kala bar xilli ciyaareed qeyrul caadi ah, waxay u muuqataa in tartanka hanashada horyaalka uu noqon doono mid aad la isagu dhow yahay.

Kooxda Jurgen Klopp iyada horyaalka soo hogaamineysa in muddo ah xilli ciyaareedkan, si kastaba, waxay dhumiyeen 11 dhibcood oo ka mid ah 24 ay u dagaalameen.

Intii ay Liverpool sibxaneysay waxaa iyadana soo xoogeysatay Man United oo badisay sagaal ka mid ah 11kii kulan ee ugu danbeysay xilli ciyaareedka.

Guushii ay Man United xalay ka gaartay Burnley waxay u xaqiijisay inay hogaanka Premier League la wareegeen markii ugu horeysay muddo sideed sanno ah.

Marka la eego 10ka kulan ee u soo socda, waxaa ugu weyn kulanka ay Axada Anfield kula ciyaarayaan Liverpool halka ay sidoo kale booqan doonaan Arsenal, Everton, Chelsea iyo Man City taasoo tijaabo adag u ah.

Kulamada kale waa kooxo hoose oo ay United ka filan karto inay dhibco fiican ka hesho.

Dhanka Liverpool waxay iyadana 10keeda kulan ee soo socda ku bilaabaneysaa kulanka ay Axada soo dhaweynayaan Man United.

Ka dib marka ay Burnley kula ciyaarayaan gurigooda, kooxda Klopp waxay u safrayaan Tottenham oo iyaduba hami horyaal uu ku jiro. Ka dib waxay Liverpool la ciyaareysaa Leicester, Manchester City iyo kulanka Merseyside Derby ee Everton.

Kulamada Man United

Jan 17: Liverpool (Marti)

Jan 20 Fulham (Marti)

Jan 27: Sheffied United (Marti)

Jan 30: Arsenal (Marti)

Feb 02: Southampton (Minan)

Feb 06: Everton (Marti)

Feb 13: West Brom (Marti)

Feb 20: Newcastle United (Minan)

Feb 27: Chelsea (Marti)

Mar 6: Man City (Marti)

Kulamada Liverpool

Jan 17: Man Utd (Minan)

Jan 21: Burnley (Minan)

Jan 28: Spurs (Marti)

Jan 31: West Ham (Marti)

Feb 03: Brighton (Minan)

Feb 06: Man City (Minan)

Feb 13: Leicester City (Marti)

Feb 20: Everton (Minan)

Feb 27: Sheffield United (Marti)

March 6: Fulham (Minan)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*