Isbarbardhig Lagu Sameeyay Xiddigaha La Isku Bedelanayo Ee Thomas Partey vs Matteo Guendouzi – Yaa Faa’ido Qaba Arsenal Mise Atletico?

Kooxaha Arsenal iyo Atletico Madrid ayaa ka shaqeynaya inay gaaraan heshiis ay isku bedelayaan xiddigaha khadka dhexe ee Matteo Guendouzi iyo Thomas Partey – laakiin kumaa fiican?

Xiddiga Gunners oo 21 sanno jir ah ayaa si weyn loo hadal hayaa isbuucyadii ugu danbeysay.

Guendouzi ayaa cunaha ku dhegay Neal Maupay kaasoo dhaliyay goolkii guusha ee ay Brighton kaga badisay Arsenal.

Wuxuu Guendouzi ka badbaaday in seddex kulan laga mamnuuco garoomooda laakiin tababare Mikel Arteta ayaa diyaar u ah inuu iska diro Guendouzi xagaagan.

Arteta ayaa la dhicin hab dhaqanka xiddiga khadka dhexe ee waqtiga tababarka iyo sidoo kale xafladii uu ku qabsaday magaalada Dubai.

Si uu isaga diro xagaagan, Arteta ayaa doonaya inuu ka faa’ideysto xiisaha Atletico Madrid ee xiddigaan isagoo doonaya inuu ka dhameeyo heshiiska uu ku soo bedelnayo Thomas Partey.

Xiddiga khadka dhexe oo 27 sanno jir ah ayaa mar kale xilli ciyaareedkan waxa uu wacdaro u dhigayaa kooxda LaLiga ka dhisan.

Isagoo waayihiisa ciyaareed oo dhan ku qaatay Atletico Madrid, Partey ayaa xiiseynaya inuu bilaabo cutub cusub oo noloshiisa ah.

Laakiin kumaa fiican isaga iyo Guendouzi?

Guendouzi wuxuu heystaa faa’ido weyn oo ah inuu lix sanno ka yar yahay Thomas Partey, laakiin waxaa lagu doodi karaa in xiddiga reer Ghana uu galayo waqtigiisii uu ugu fiicnaa, Arsenal ayaana u baahan xiddig haatan muuqda oo isbedel keeni kara.

Labadii xilli ciyaareed ee kubada horyaalada, Partey ayaa kaliya lix kulan in ka badan Guendouzi ciyaaray.

Inkastoo ay sidaasi tahay, hadana awoodiisa weerar ayaa aad uga sareysa tan xiddiga Faransiiska isagoo dhaliyay shan gool islamarkaana caawiye ka noqday lix kale.

Dhanka kale Guendouzi weli shabaqa ma uusan soo taabanin horyaalka kaliyana hal caawin ayaa loo diiwaangeliyay ku dhawaad labo xilli ciyaareed oo dhameystiran.

Dhanka baasaska waxaa fiican Guendouzi kaasoo dhameystiray baasaskiisa boqoliiba 88 halka Partey uu dhameystiray boqolkiiba 83.5

Laakiin Partey wuxuu sameeyay taakalo badan oo uu ku guuleystay.

Partey wuu raacasho badan yahay taasoo keentay in inta badan laga dhigo laadad xor ah taasoo ku laba jibaaranta inta laga dhigo Guendouzi.

How do Guendouzi and Partey compare statistically?

Gabagabadii, natiijada waa mid iska cad: Partey difaacashadiisa waa ay adag tahay halka sidoo kale weerarkiisa uu halis yahay.

Guendouzi baasaskiisa waa ay tabi doontaa Arsenal, waxaa iyadana sidoo kale dhabarjab ah inay weyso xiddig sidaan u da’ yar.

Laakiin Partey uu u dhisan yahay inuu Arsenal ka caawiyo inay u soo baxdo Champions League xilli ciyaareedka danbe taasoo ah hamiga Arteta.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

  1. Aniga fundus inuu yahay ciyaaryahan mustaqbal ku leh kooxda lkn hadii uu arteta leeyahay ninkii udagaalamayo qadiyada kooxda wuu aqlaaq xunyahay waxaa dhici doonta in coyaaryan kasta uu sacabada deysto oo qof uusan kula dagaalamin kubada marka arteta aniga uma maleynaayo inuu kooxda meel gayn karo ma ahan qof qibrad leh iyo isbiirad kubadana waa intaas mahadsanidiin asxaabta

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*