ISBARBAR-DHIG: Liverpool vs Manchester United – Waa Sidee Min Tobanka Kulan Ee Ugu Horreeya Ee Kusoo Aadan, Midee Ayayse Ciyaaro Adagi Sugayaan?

Advertisements

Kaddib markii ay soo afjartay abaartii Premier League 30ka sannadood ka haysay, Liverpool waxa u taalla shaqo ka adag intii hore oo ah inay mar labaad ku guuleysato ama ay difaacato koobkaas.

Xili ciyaareedkii hore, waxay Liverpool horyaalka ku dhamaysatay iyadoo 18 dhibcood ka horreysa Manchester City oo kusoo xigtay, halka Manchester United na ay ka sarraysay 33 dhibcood.

Laakiin xili ciyaareedkan wax waliba way ka beddelan yihiin sidii hore, waxaana xili ciyaareedka oo afka la galay badhtamihii ay yihiin laba midaysan oo ay waliba u badan tahay in Manchester United ay hoggaanka la wareegto xilli saddex ciyaarood kala badhka ka hadhsan yihiin.

Jurgen Klopp ayay kooxdiisu in badan soo haysay hoggaanka horyaalka, waxaana mar kale ay ciidda masiixiga sannadkii labaad oo xidhiidh ah u baxday iyadoo hoggaanka haysa.

Sidaas oo ay tahay, Reds waxay 11 dhibcood ka heshay 24 suurtogal ahaa, waxaanay taasi furtay in tartan ah in hoggaanku u dhexeeyo iyaga iyo Manchester United oo hadda isku dheggan.

Halka ay Liverpool hoos usii degaysay usbuucyadii ugud ambeeyey, Manchester United ayaa ahayd mid aan la joojin karin oo tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka siddeed ka mid ah guuleysatay, labada kalena barbarro keentay.

Guul ay ka gaadho Burnley caawa, waxay Manchester United siinaysaa inay hoggaanka si buuxda ula wareegto markii ugu horrreysay intii uu Ole Gunnar Solskjaer xilkan qabtay.

Ka hor kulanka Turf Moor ay United tegayso, waxa uu Solskjaer sii sheegay in uu kaliya ka fikirayo ciyaartan iyo sidii uu guul uga keeni lahaa, balse aanu kasii fikiri karaynin halka ay habeen dabe joogayaan amaba dhamaadka bisha May.

Tobanka ciyaarood ee horyaalka Premier League ee kusoo aaddan Liverpool iyo Manchester City ayaa ah kuwo kala duwan, waxaanay labada kooxood u yihiin kuwo ay midna dab iyo naar gelayso, midda kalena ay haysato fursad ay hore ugu socon karto kaddib imtixaan fudud oo ay marto.

Marka ay soo dhamaato ciyaarta Burnley, Manchester United waxay isku diyaarin doontaa safar ay Axadda ugu tegi doonto Liverpool, halka ay kaabiga kusoo hayaan Arsenal, Everton iyo Chelsea.

Liverpool ayaa dhinceeda waxay tahay mid jadwalkeedu ka adag yahay kan Manchester United oo ay Axadda ballansan yihiin.

Marka ay Manchester United kala baxaan, waxay Liverpool u ambobixi doontaa magaalada London oo ay kula soo ciyaari doonto Tottenham, balse intaas uun maaha, waxaana liiska ugu jira Leicester City, Manchester City iyo Everton oo ciyaartoodii labaad ay isku haleeli doonaan.

Halkan kaga bogo tobanka ciyaarood ee Premier League ee Manchester United kusoo beegan:

Jan 12: Burnley (Marti)

Jan 17: Liverpool (Marti)

Jan 20 Fulham (Marti)

Jan 27: Sheffied United (Marti)

Jan 30: Arsenal (Marti)

Feb 02: Southampton (Minan)

Feb 06: Everton (Minan)

Feb 13: West Brom (Marti)

Feb 20: Newcastle United (Minan)

Feb 27: Chelsea (Marti).

Marka aad si fiican isha usoo mariso tobanka ciyaarood ee Manchester United u hadhsan, waxa aad haddana ka bogataa tobanka kulan ee Liverpool kusoo beegan:

Jan 17: Man Utd (Minan)

Jan 21: Burnley (Minan)

Jan 28: Spurs (Marti)

Jan 31: West Ham (Marti)

Feb 03: Brighton (Minan)

Feb 06: Man City (Minan)

Feb 13: Leicester City (Marti)

Feb 20: Everton (Minan)

Feb 27: Sheffield United (Marti)

March 6: Fulham (Minan).

Su’aasha akhristaha: Akhriste, adigu qiimee kooxda ay kusoo beegan yihiin kulamada tobanka ah ee adag, halka hoosena nagula wadaag kooxda uu caawinayo jadwalku.

Advertisements

4 Fekradood

  1. Runtii ani ahaaan waxaan anaa KOOBKA sanadkaan in Reds mar kale ay qaadi doonaan inkastoo ay tartanka aaan sahlaneyn lakulmi doonto

  2. Min 5 kulan oo adag ayaa ugu jira koox kasta,Kosta, wxd modaa looserpool ineey tahay kooxda godkeeda biyo ugu soo Galeon.
    Lfc 3 kamida wey guldaresan dontaa 10 kaas.
    Halka united iyana ay ugu yaraan 2 kamida guldaresan don’t.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*