ISBARBAR-DHIG: Kulamada U Hadhay Kooxaha Man United, Leicester, Chelsea, West Ham, Liverpool, Everton & Tottenham

Lix dhibcood oo kaliya ayaa u dhexeeya kooxda ku jirta kaalinta afraad illaa kaalinta siddeedaad iyadoo horyaalka Premier League ay dhamaadkiisa ka hadhsan yihiin sagaal ciyaarood oo kaliya, waxaanay taasi ka dhigan tahay in dagaal adag ay ku jiraan kooxahan oo haddana si’ uun u hiigsanaya  inay usii dallacaan meel kasii sarraysa.

Advertisements

Manchester City ayaa hoggaanka horyaalka looga hadhay oo kaliya la isweydiinayaa waqtiga koobka la siinayo iyadoo aanay cidina ku haysanin, laakiin kaalinta labaad illaa siddeedaad waxa ka bannaan fursado.

Dhibcaha ay haystaan kooxaha kaalmaha 2aad illaa siddeedaad

2. Man Utd – 57 dhibcood
3. Leicester City – 56 dhibcood
4. Chelsea – 51 dhibcood
5. West Ham – 48 dhibcood
6. Liverpool – 46 dhibcood
7. Everton – 46 dhibcood
8. Tottenham – 45 dhibcood

Advertisements

Labada kooxood ee Manchester United iyo Manchester City ayaa ah kuwa ugu degganaanshaha badan marka la barbar-dhigo naadiyada kale, sababtoo ah, waxay aad  uga horreeyaan naadiga kusoo xiga ee Chelsea. Laakiin Chelsea, West Ham, Liverpool, Everton iyo Tottenham ayaanu farqi badan u dhaxaynin oo dagaalka ugu badan uu u dhexeeyaa.

Qormadan, waxa aanu kusoo bandhigaynaa isbarbar-dhigga kulamada sagaalka ah ee u hadhay kooxaha kaalinta labaad illaa sideedaad ee horyaalka Premier League.

Leicester City ayaa ah kooxda kulamada ugu adag u hadhsan yihiin, waxaanay waajihi doontaa naadiyo ay qaarkood booska doonayaan inay ku qabsadaan, sida Manchester City, West Ham, Manchester United, Chelsea iyo Tottenham.

Manchester United ayay iyadana u hadhsan yihiin kooxaha waaweyn ee Tottenham, Liverpool, Leicester, Wolves, Aston Villa iyo kooxo kale, laakiin way ka fudud yihiin kulamada Leicester City.

Chelsea ayay iyadana sugayaan kooxaha waaweyn ee Manchester City, Arsenal, Leicester City, West Ham iyo Aston Villa.

Liverpool ayaa ka sahlan kooxaha kale ee United, Leicester City iyo Chelsea, waxaana naadiyada waaweyn u hadhsan Arsenal, Aston Villa iyo Manchester United.

Halkan kaga bogo kulamada u hadhsan kooxaha kaalmaha labaad illaa siddeedaad ee horyaalka Premier League:

Ciyaaraha u hadhay Manchester United

Apr 4: Brighton  (Kulamada garoonkeeda)

Apr 11: Tottenham  (Kulamada martida)

Apr 17: Burnley  (Kulamada garoonkeeda)

Apr 24: Leeds United  (Kulamada martida)

May 1: Liverpool  (Kulamada garoonkeeda)

May 8: Aston Villa  (Kulamada martida)

May 11: Leicester City  (Kulamada garoonkeeda)

May 15: Fulham  (Kulamada garoonkeeda)

May 23: Wolves  (Kulamada martida)

Ciyaaraha u hadhay Leicester City

Apr 3: Man City  (Kulamada garoonkeeda)

Apr 10: West Ham  (Kulamada martida)

Apr 17: West Brom  (Kulamada garoonkeeda)

Apr 24: Crystal Palace  (Kulamada garoonkeeda)

May 1: Southampton  (Kulamada martida)

May 8: Newcastle  (Kulamada garoonkeeda)

May 11: Man Utd  (Kulamada martida)

May 15: Chelsea  (Kulamada martida)

May 23: Tottenham  (Kulamada garoonkeeda)

Ciyaaraha u hadhay Chelsea

Apr 3: West Brom  (Kulamada garoonkeeda)

Apr 10: Crystal Palace  (Kulamada martida)

Apr 17: Brighton  (Kulamada garoonkeeda)

Apr 24: West Ham  (Kulamada martida)

May 1: Fulham  (Kulamada garoonkeeda)

May 8: Man City  (Kulamada martida)

May 12: Arsenal  (Kulamada garoonkeeda)

May 15: Leicester City  (Kulamada garoonkeeda)

May 23: Aston Villa  (Kulamada martida)

Ciyaaraha u hadhay West Ham United

March 21: Arsenal  (Kulamada garoonkeeda)

Apr 3: Wolves  (Kulamada martida)

Apr 10: Leicester  (Kulamada garoonkeeda)

Apr 17: Newcastle  (Kulamada martida)

Apr 24: Chelsea  (Kulamada garoonkeeda)

May 1: Burnley  (Kulamada martida)

May 8: Everton  (Kulamada garoonkeeda)

May 11: Brighton  (Kulamada martida)

May 15: West Brom  (Kulamada martida)

May 23: Southampton  (Kulamada garoonkeeda)

Ciyaaraha u hadhay Liverpool

Apr 3: Arsenal  (Kulamada martida)

Apr 10: Aston Villa  (Kulamada garoonkeeda)

Apr 17: Leeds  (Kulamada martida)

Apr 24: Newcastle  (Kulamada garoonkeeda)

May 1: Man Utd  (Kulamada martida)

May 8: Southampton  (Kulamada garoonkeeda)

May 11: West Brom  (Kulamada martida)

May 15: Burnley  (Kulamada martida)

May 23: Crystal Palace  (Kulamada garoonkeeda)

Ciyaaraha u hadhay Everton

Apr 5: Crystal Palace  (Kulamada garoonkeeda)

Apr 12: Brighton  (Kulamada martida)

Apr 17: Tottenham  (Kulamada garoonkeeda)

Apr 24: Arsenal  (Kulamada martida)

May 1: Aston Villa  (Kulamada garoonkeeda)

May 8: West Ham  (Kulamada martida)

May 11: Sheffield United  (Kulamada garoonkeeda)

May 15: Wolves  (Kulamada garoonkeeda)

May 23: Man City  (Kulamada martida)

Ciyaaraha u hadhay Tottenham

Mar 21: Aston Villa  (Kulamada martida)

Apr 4: Newcastle  (Kulamada martida)

Apr 11: Man Utd  (Kulamada garoonkeeda)

Apr 17: Everton  (Kulamada martida)

May 1: Sheffield United  (Kulamada garoonkeeda)

May 8: Leeds United  (Kulamada martida)

May 12: Wolves  (Kulamada garoonkeeda)

May 15: Aston Villa  (Kulamada garoonkeeda)

May 23: Leicester City  (Kulamada martida)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*