“Isagu Waa Tartame, Waxaan Rajaynayaa…” – Kabtankii Arsenal Ee Kosceilny Oo Ka Hadlay Ozil & Qaabka Uu Arteta Ula Dhaqmayo

Advertisements

Kabtankii hore ee kooxda Arsenal ee Laurent Kosceilny ayaa markiisa ka hadlay xaalada uu kooxdaas kaga jiro ciyaaryahankii ay kasoo wada tirsanaayeen kooxda ee Mesut Ozil oo uu go’aan adag ka qaatay tababaraha haatan ee Mikel Arteta.

Arteta ayaa qaab adag ula dhaqmay xiddiga ree Germany isaga oo ka saaray safafka uu kaga qayb galayo horyaalka Premier League iyo tartanka UEFA Europe League walow uu 350,000 oo Pound toddobaadkii mushahar ahaan uga qaato.

Former Arsenal captain Laurent Koscielny backs Mesut Ozil in his row with Mikel Arteta - Arsenal.News

Go’aanka uu gaadhay Arteta ayaa dhaliyay inay dagaal adag oo dhinaca afka ah galaan wakiilka Mesut Ozil iyo Arteta qudhiisu iyadoo wakiilku uu macalinka Gunners ku eedeeyay inuu yahay mid aan daacad ahayn.

Advertisements

Kabtankii hore ee Arsenal ee Koscileny oo hadda arrintaas ka hadlay ayaa taageero buuxda la garab istaagay saaxiibkiisii hore ee Ozil isaga oo sheegay inuu Ozil yahay heerka looga baahan yahay Premier League.

Laurent oo arrinta Mesut ka faaloonaya ayaa yidhi “Labadayaduba waxaanu kamid nahay jiilkii Arsene Wenger, tababaruhu wuu jeclaa isaga ka ciyaaryahan ahaan, waxay ahayd mid aad ugu adag marka la eego Unai Emery iyo Mikel Arteta, garashada aan isaga u leeyahay, waa inuu markasta xirfadle yahay tababarka dhexdiisa, markasta wakhtigiisa ayuu ku yimaadaa”

“Isagu shaki la’aan waa heerka looga baahan yahay Premier League, waxa jira arrin gaar ah oo kooxda ah ilaa sanadkii hore, waxaan rajaynayaa in labada dhinacba ay heli doonaan heshiis dhinackasta u wanaagsan”

“Isagu waa tartame, waxaan rajaynayaa inaan si deg-deg ah u arko isaga oo kusoo laabtay garoonka, Arsenal amaba meel kale sababtoo ah isagu waa hibo dhab ah”

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*