“Inaan Qoyskiina Iibsado Ayaan Awoodaa” – Adebayor Oo Dib Isaga Caayay Taageerayaal Arsenal Ah Oo Aflgaado U Soo Qoray

Advertisements

Emmanuel Adebayor ayaa aflagaado ugu jawaabay taageerayaal Arsenal ah oo iyagana ereyo aflagaado ah u soo qoray xiddigii hore ee Man City iyo Arsenal.

35 jirkaan ayaa Instagram soo dhigay sawirka dabaaldegii uu ku horsameeyay taageerayaasha Arsenal markii uu gool u dhaliyay Manchester City 10 sannadood ka hor.

Waxay taasi keentay inay taageerayaasha Arsenal aflagaado kula dhaqaaqaan xiddiga reer Togo kaasoo isna aflagaadooyin kala oo fool xun ugu jawaab celiyay, waxaana ka soo qaadaneynaa qaarka aan soo bandhigi karno.

Taageere: Ka dib dabaaldegaas aad sameysay, waayahaaga ciyaareed wuu quusay. Sax mise qalad.

Adebayor: Ka dib waxaan aaday hooyadaa

Taageere: Kooxda aad haatan u ciyaarto adiga ayaa ka taageero badan…. shaqo fiican ayaa qabatay ‘halyeey’ (waa hadal kajan ah)

Adebayor: Waxaan jiraan jiraa 35 sanno, waxaana iibsan karaa qoyskaaga si ay iigu shaqeeyaan.

Taageere: Eeg halka aad joogto midkaadan dhintay

Adebayor: Guriga ay hooyadaa ku nooshahay ayaan joogaa

Taageere: Nin weyn oo 35 sanno jir ah oo hooyo aflagaadeynayo… qof weyn iska dhig

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Waa Kuwan AFARTA Daafac Dhexe Ee Uu Pep Guardiola Midkood Lasoo Saxeexan Karo January Si Uu Tartanka Horyaalka Ula Galo Liverpool.

Adebayor: Hooyadaa ayaan duugayaa

Taageere: Waan fahmi karaa waqtigii aad arintaan sameysay laakiin inaad 10 sannadood ka dib adigoo ku faraxsan soo dhigto? Nin weyn iska dhig saaxiib. Arsenal ayaa kaa dhigtay qofka aad tahay maanta.

Advertisements

Adebayor: Laakiin akoonka bankigeyga waxa uu ka fiican yahay kan qoyskaaga oo dhan, ciyaartaan waa jeclahay hahahahahha

Adebayor is currently plying his trade out in Turkey with Kayserispor.

 

One response to ““Inaan Qoyskiina Iibsado Ayaan Awoodaa” – Adebayor Oo Dib Isaga Caayay Taageerayaal Arsenal Ah Oo Aflgaado U Soo Qoray”

  1. Waa doqon yaahuu hadalkiisa dhan waa Hooyo lee aflagade nimanka faciis ah mu iska celsho