“In Lionel Messi Lala Ciyaaro Ayaa Ka Adag In Cristiano Ronaldo Lala Ciyaaro, Ronaldo Waan Wajahay Dhawr Jeer Ayaanan Aamusiiyay”.

Advertisements

Daafacii hore ee kooxda Manchester City ee Micah Richards ayaa sameeyay isbar-bardhig ku aadan xiddigaha ugu fiican jiilkan kubadda cagta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi iyo midka ay sahlan tahay in lala tacaalo.

31 sano jirkan oo 179 kulan soo matalay kooxda difaacanysa Premier League ayaa ka hadlay xiddigaha kusoo dagaalamayay heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta sanadihii ugu dambeeyay.

Image result for Richards and Ronaldo"

Richards ayaa aaminsan in la celiyo Cristiano inay ka sahlan tahay in la celiyo Lionel Messi isaga oo ku dooday inuu Ronaldo dhawr jeer aamusiiyay kulamo uu la ciyaaray wakhtigii ay England wada joogeen ee sanadihii 2005 ilaa 2009.

Daafacan midig ayaa si guud ahaaneed u amaanay Ronaldo iyo Messi balse waxa uu si gaar ahaaneed u amaanay Messi oo uu u arko mid aysan macquul ahayn in la celiyaa.

Mar la weydiiyay xiddiga ugu fiican abid kubadda cagta Richards ayaa yidhi “Waa inaan yidhaahdaa Messi sababtoo ah waan la ciyaaray Ronaldo waanan aamusiiyay dhawr jeer”.

“Ma odhan doono way sahlanayd (In Ronaldo uu celiyo), Old Trafford ayaanu tagnay si wanaagsan ayaanan isga ula ciyaaray halka aan ku dhawaan kari waayay Messi, Waxa uu ahaa mid ka duwan”.

“Waxa uu sameeyaa meelo banaan oo aanad doonayn inaad joogto, Waxaad filanaysaa inaad qabatay kaddibna si deg deg ah ayuu isku rogayaa, Qorshe uma yeelan kartid isaga”.

Advertisements

“Sida ugu dhakhsaha badan ee uu kubadda u helo kaliya isku day oo xanaaqadee, Ka jooji inuu joogtayntiisa helo, Ciyaartoyga tayadaas leh macquul maaha in la joojiyo isaga”.

“Iyagu waa laba kamid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan abid, Tirada (Xogtooda) ayaa nafahooda u hadlaysa laakiin waxaan odhan lahaa Lionel Messi ayaa ka adag in la wajaho”.

One response to ““In Lionel Messi Lala Ciyaaro Ayaa Ka Adag In Cristiano Ronaldo Lala Ciyaaro, Ronaldo Waan Wajahay Dhawr Jeer Ayaanan Aamusiiyay”.”

  1. kan updy hakim la baxay ee waxan maalayacniga soo qoraya waxaan ka baqayaa inuu marka dambe yidhaah messi waa aabahay
    messi messi messi !!!!! walaasha sii hadad saaso dhan u jeceshay