Immobile Iyo Correa Oo 30-Sano Kadib Lazio Guul Ku Siiyay Garoonka San Siro Kulan Ka Tirsan Horyaalka.

Advertisements

Lazio ayaa markii ugu horreysay muddo 30-sano ah ku badisay San Siro kulan ka tirsan horyaalka, waxeyna guusha caawa kaga mahad celineysaa Ciro Immobile iyo Joaquin Correa oo sababay iney 1-2 guul ah gaaraan.

Natiijadaan waxey keentay in SS Lazio ay kaalinta 4-aad ku fariisato iyadoo leh 21-dhibcood, balse waxey farqiga goolasha kaga sarreysaa kooxaha Atalanta iyo Cagliari, halka Ac Milan ay u dhacday kaalinta 12-aad iyadoo leh 13-dhibcood waxeyna 6-dhibcood u jirtaa booska looga haro heerka koowaad.

Markii ugu dambeysay Lazio ay ku badiso San Siro kulan ka tirsan horyaalka waxey aheyd 3/9/1989 markaas oo Milan ay aheyd kooxda difaacaneysa koobka horyaalada yurub, 0-1 ayey ku badisay waxaana goolka iska dhaliyay Paolo Maldini.

Advertisements

Kooxdii Lazio ee markaas waxey jabisay rikoor maadaama ay guul ka gaartay Milan oo aan laga adkaan 31-kulan, waxey aheyd guuldaradii ugu horreysay fasalkaas waxaana u xigay 6-guuldaro, fasalkaas waxaa horyaalka hantay Napoli.

Tan iyo markaas Lazio waxey booqatay garoonka San Siro 19-jeer kulamada horyaalka, 11-jeer ayey barbaro ku dhameysteen.

Comments are closed.