Immisa Dhibcood Ayey Lumiyeen Kooxaha Waaweyn Ee La Liga? Immisa Dhibcodo Ayaana Laga Yaabaa In Lagu Qaado Horyaalka Fasalkaan?

Advertisements

Horyaalka La Liga muddo kadib waxaa lagu qaadi doonaa dhibco yar, sida ay muujineyso xog lagu qoray shabakadda Marca, waxaana qiimeyn lagu sameeyay dhibcaha ay ilaa iyo haatan lumiyeen kooxaha waaweyn iyo dhibcaha ay u baahan tahay kooxda horyaalka hananeysa fasalkaan.

Barcelona ayaa hogaamineysa La Liga iyadoo la dhibco ah Real Madrid, labadaan kooxood waxey shaqeysteen min 22-dhibcood, balse qaabka ay ku kala lumiyeen ayaa kala duwan, sidoo kalana waxaa jirta in kulan u baaqday labada kooxood kaas oo lagu balansanaa 26-ka Oktoobar.

Saddexda kooxood ee waaweyn midna guul ma qaadan isbuucaan, Barcelona waxey guuldaro kala kulantay Levente, Atletico waxey dhibcaha qeybsadeen Sevilla halka Real Madrid ay dhaafi weysay Real Betis.

 

Barcelona waxey lumisay 11-dhibcood kadib guuldarooyin ay kala kulantay Athletic Club, Granada iyo Levante, halka ay barbaro la galeen Osasuna, sidoo kale Madrid waxey lumisay 11-dhibcood kadib guuldaro ay kala kulantay Real Mallorca iyo barbaro ay ka heshay Real Valladolid, Real Betis, Villarreal iyo Atletico Madrid.

Atletico Madrid iyana waxey lumisay 12-dhibcood, hal guuldaro ayey ka qaadatay Real Sociedad, sidoo kalana waxey barbaro la gashay Real Madrid, Valencia, Celta Vigo, Sevilla, Alaves iyo Real Valladolid.

Xilli ciyaareedkaan ma jiri doonto koox 100-dhibcood ku qaada horyaalka, waxaana la fahamsan yahay in ugu yaraan 79-dhibcood ay heli doonto kooxda hananeysa horyaalka, hadii ay sidaas dhacdo waxey ka dhigan tahay in fasalkaan uu noqonayo midkii ugu dhibco yaraa tan iyo 2006/2007 markaas oo ay Madrid hanatay.

DHIBCAHA LAGU QAADAY SANADAHII LASOO DHAAFAY:

2018/19 – Barcelona, 87 points.

2017/18 – Barcelona, 93 points.

2016/17 – Real Madrid, 93 points.

2015/16 – Barcelona, 91 points.

2014/15 – Barcelona, 94 points.

2013/14 – Atletico, 90 points.

2012/13 – Barcelona, 100 points.

2011/12 – Real Madrid, 100 points.

2010/11 – Barcelona, 96 points.

2009/10 – Barcelona, 99 points.

2008/09 – Barcelona, 87 points.

Advertisements

2007/08 – Real Madrid, 85 points.

2006/07 – Real Madrid, 76 points.

Comments are closed.