Imissa Ayay Cristiano Ronaldo, Lionel Messi Iyo Pep Guardiola Ugu Deeqeen Xarumaha Caafimaadka Ee La Tacaalaya Caabuqa Coronavirus?

Advertisements

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa ugu deeqay hal milyan euro in lagula taaco caabuqa saameynta xun ku yeeshay dalkiisa Spain.

Waxa uu si toos ah ugu deeqay xarunta Medical Collage ee magaalada Barcelona iyo hay’ada Angel Soler Daniel Foundation, iyadoo tababarihii hore ee Barcelona uu dib ugu laabtay magaalada si uu waqti u la qaato qoyskiisa.

Sida ay sheegtay El Periodico, Guardiola ayaa kala tashaday qareenadiisa in sidaan ay tahay qaabka ugu fiican ee lacagta deeqda ah loo adeegsan karo iyadoo loo isticmaali doono soo iibinta qalabka daawada iyo qalabka ka hortaga ee shaqaalaha cusbitaalka.

Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa kula biiray deeqsinimada Pep Guardiola isagoo isna ku deeqay hal milyan euro oo lagula dagaalamo caabuqa Coronavirus.

Lacagta uu ku deeqay Messi waxaa lagu iibin doonaa agabka caafimaadka ee lagu baaro iyo kuwa looga hortago xanuunka Coronavirus.

Wargeysyada Mundo Deportivo ayaa sheegay lacagta uu ku deeqay Lionel Messi loo kala qeybin doono cusbitaalka Barcelona University iyo xarun caafimaad oo ku taala dalkiisa Argentina.

Dhanka kale xiddiga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa weli sii wada lacagta uu ugu deeqayo xarumaha caafimaadka ee la taacalaya wax ka qabashada caabuqa Coronavirus.

Ronaldo iyo wakiilkiisa Jorge Mendes ayaa hal milyan euro waxay ugu deeqeen seddex xaruumood oo cafimaadka ah oo ku yaala dalkooda Portugal.

Advertisements

Xiddiga Juventus ayaa ku sugan jasiirada uu ka soo jeedo Madeira ee dalkiisa Portugal isagoo karantiil ku jira madaama qaar ka mid ah asxaabtiisa Juventus laga helay caabuqa.

Paulo Dybala, Matuidi iyo Rugani ayaa seddexdaba laga helay caabuqa Coronavirus iyadoo xiddigaha kale ay ku jiraan karantiil.

Comments are closed.