Horyaalka Spain Ee LaLiga Oo Isbeddel Lagu Samaynayo Xili Ciyaareedkan Iyo Arrinta Ay Kaga Daynayaan Premier League

Advertisements

Horyaalka kubadda cagta waddanka Spain ee LaLiga ayaa isbeddel weyn lagu samayn doonaa xili ciyaareedkan, waxaanay samayn doonaan tallaabo u gaar ahayd horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo kaliya.

Maamulka LaLiga iyo Ururka ciyaartoyda Spain ee AFE ayaa kulan ka yeelanaya isbeddelada la doonayo in lagu soo kordhiyo xili ciyaareedkan, waxaana arrinta ugu weyn ay ku saabsanaan doontaa xilliyada ay ciyaratoydu fasaxa yihiin, gaar ahaan Ciiddada Masiixiga ee dhamaadka bisha December.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa ah kan kaliya ee maalmaha ciidda Masiigia la dheelo, waxaana dhaca ciyaaraha loo yaqaano ‘Boxing Day’, halka ay Spain, Talyaaniga, Jarmalka iyo dalalka kale galaan laba toddobaad oo fasax ah.

Laakiin, fasaxan ayaan jiri doonin xili ciyaareedka soo socda ee 2020/21 horyaalka LaLiga, waxaana bisha December ay noqon doontaa mid mashquul badan oo waliba usbuuca ugu dambeeya ay kooxuhu iskaga hor yimaaddaan kulamo aanu waqti u dhaxaynin.

Maalinta ka horreysa ciidda Kiristaanka ee Christmas iyo maalinta ku xigtaba waxa dhici doona ciyaaro la isku aaddin doono kooxaha ugu adag, waxaanay taageereyaashu filan karaan in ciyaarta hore ee ‘El Clasico’ ee Real Madrid iyo Barcelona lagu beego waqtigaas.

Maamulka LaLiga iyo ururka ciyaartoyda kubadda cagta Spain ee magacooda loosoo gaabiyo AFE ayaa waxay kulan ka yeesheen Khamiistii shalay sida horyaalka xili ciyaareedka soo socda uu u noqon lahaa mid kasoo kabta jugta dhaqaale ee uu ku keenay xanuunka Coronavirus.

Advertisements

Kulankan oo socon doona maalmo kale, waxay LaLiga iyo AFE ku gorfayn doonaan sida la filayana ay go’aamin doonaan in kulamada loo yaqaano ‘Boxing Day’ lagu soo kordhiyo sannadkan, ayna kooxuhu ciyaaraan December 26, halkii ay waqtigaas fasax ka geli jireen.

Dhinacyada ayaa go’aankooda rasmiga ah soo saari doona usbuucan soo socda.

Comments are closed.