HORDHACYO: Man United vs Newcastle & Chelsea vs Southampton – Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararka Dhaawacyada & Ganaaxyada

Advertisements

Manchester United ayaa kulankeedii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League ciyaaraysa tan iyo fadeexaddii kasoo gaadhay kulankii Tottenham ay ku xasuuqday 6-1, waxaana Ole Gunnar Solskjaer uu halgan u geli doonaa sidii uu guul-darradaas iskaga maydhi lahaa marka ay maanta iska hor yimaaddaan Newcastle United.

Ole ayaa ciyaartoydiisa ka dalbanaya inay jawaab weyn ka bixiyaan guul-darrada xun ee soo gaadhay, taas oo haddii ay awoodi kari waayaan ay suurtogal tahay in shaqadiisu ay halis gasho.

Manchester United ayaa saddexdii ciyaarood ee ay dheeshay waxa kaliya oo ay guul ka heshay Brighton oo waqtigii dhamaadka uu VAR siiyey rikoodho muran dhaliyey, halka kulankii furitaanka horyaalka ay Crystal Palace ku karbaashtay 3-1 iyagoo waliba joogay Old Trafford, waxaana tii ugu xumayd ku dhigtay Tottenham oo 6-1 ku karbaashtay iyagoo jooga Old Trafford.

Advertisements

Red Devils oo haysata saddex dhibcood, lix goolna lagu leeyahay ayaa waxay ku jirtaa kaalinta 16aad ee miiska kala sarraynta horyaalka Premier League iyadoo haysata saddex dhibcood, halka Newcastle ay sagaalaad fadhido oo ay toddoba dhibcood jeebadda ugu jiraan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Newcastle vs Manchester United

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: St James’ Park.

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Edinson Cavani oo Man United ay lasoo saxeexatay maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda ayaan u safan doonin maanta maadaama uu ku jiro karantiil waafaqsan sharciga ay UK u dejisay dadka kasoo saftaya Faransiiska, waxaanay taasi keeni doontaa Odion Ighalo uu kusoo  bilowdo booskii Anthony Martial oo ciyaartii hore casaan la siiyey, haddii aanu Solskjaer beddelin shaxdiisa oo aanu weerarkiisa kusoo koobin Rashford iyo Greenwood.

Bruno Fernandes oo looga baqayay Korona Fayras ayaa taam u ah kulankan oo ciyaari doona markii tijaabooyinkii lagu sameeyey ay muujiyeen inuu badqab yahay, laakiin Solskjaer ayaa go’aan ka qaadan kara Maguire oo kaydka u diri kara maadaama uu kaadh cas qaatay kulankii xulkiisa, canaan badanna uu kala kulmayo warbaahinta.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Newcastle United: Darlow; Manquillo, Hayden, Lascelles, Fernandez, Lewis; Saint-Maximin, Shelvey, Hendrick, Joelinton; Wilson

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Pogba, McTominay; Greenwood, Fernandes, Rashford; Ighalo.

Chelsea vs Southampton

Kooxda tababare Frank Lampard ayaa martigelinaysa dhiggeeda Southampton, waxaana Stamford Bridge kusoo laabanaya xiddigihii wacdaraha kasoo dhigay kulamadii caalamiga ahaa sida Timo Werner, Kai Havertz iyo Hakim Ziyech oo ciyaartiisii ugu horreysay ugu soo bilaaban kara.

Blues waxa dhaawac kaga maqan goolhaye Mendy, taas oo ka dhigan inay goolka kusoo bilaaban doonaan Kepa Arrizabalaga ama Willy Caballero.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Chelsea: Kepa; Azpilicueta, Christensen, Zouma, Chilwell; Jorginho, Kovacic; Mount, Havertz, Pulisic; Werner

Southampton: McCarthy; Walker-Peters, Bednarek, Vestergaard, Bertrand; Walcott, Ward-Prowse, Romeu, Redmond; Ings, Adams

Waqtiga: 5pm – Saacadda Geeska Afrika

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*