HORDHACYO: Atletico Madrid vs Barcelona & Villarreal vs Real Madrid – Kulamada Holaca Ah Ee LaLiga, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararka Dhaawacyada Iyo Ciyaartoyda Korna Fayraska U Jiifa

Advertisements

Barcelona ayaa safar ku joogta magaalada Madrid oo ay caawa isku haleeli doonaan Atletico Madrid, taas beddelkeeda waxa magaaladan ka ambobaxaysa Real Madrid oo marti u noqonaysa Villarreal.

Saddexda kooxood ee ugu waaweyn horyaalka LaLiga ee loo saadaalinayo inay midkood ku guuleysan doonto koobka xili ciyaareedkan ayaa dhamaantood natiijooyinkooda tododbaadkani ay soo bixi doonaan maanta.

Kooxda qaab ciyaareedka wanaagsan ku jirta ee Atletico Madrid ayaa garoonkeeda Wanda Metropolitano kusoo dhoweyn doonta dhiggeeda Barcelona oo ciyaar xamaasaddeeda leh laga filayo inay soo bandhigi doonaan.

Advertisements

Atletico oo ku jirta kaalinta saddexaad ee miiska kala-sarraynta, xili ciyaareedkanna u yahay mid wanaagsan ayaa waxay si adag iskugu diyaarisay sidii ay usii kordhin lahayd dhibaatada Barca oo kaalinta siddeedaad fadhida, isla markaana 11 dhibcood oo kaliya ka heshay toddobadii kulan ee ugu horreeyey horyaalka xili ciyaareedkan ee illaa hadda ay dheeshay.

Xaqiiqada ah in Barcelona iyo Real Madrid ay labadaba dhibaatooyin haystaan, waxa xili ciyaareedkan rajo badan qabta Atletico Madrid oo ku riyoonaysa inay hanan doonto horyaalkeedii ugu horreeyey tan iyo xili ciyaareedkii 2013-14, waxaana guul ay ka gaadhaan kulanka caawa ee Barca ay usii xoojin doontaa filashadooda ah inay mar kale gacanta ku dhigi doonaan horyaalka.

Kooxda tababare Diego Simeone ayaa toddobadii ciyaarood ee ay dheeshay soo guuleysatay shan ka mid ah, labada kalena barbarro gashay, waxaanay saddex dhibcood oo kaliya ka dambeeyaan Real Sociedad oo hoggaanka haysa, balse waxa kale oo sii caawinaya inay laba ciyaarood gacanta ku haysato oo haddii ay badiso ay saddex dhibcood hoggaanka kula wareegi karto.

Afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayay dhamaantood si xidhiidh ah kusoo guuleysatay, waxaana guul darro ugu dambaysay ciyaartii ay Real Madrid 1-0 ku garaacday bishii February ee horraantii sannadkan.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa fahmi la’ halka ay sartu ka qudhunsan tahay ee ay wax ka saxayaan, balse kulankii ugu dambeeyey ee horyaalka ayay 5-2 ku xasuuqeen Real Betis.

Meesha ugu weyn ee farta lagu fiiqayo inay dhibaatadu ka jirto, sababtoo ah, waxa hoos u dhac weyn ku yimid qaab ciyaareedkiisa iyadoo dhinaca kalena lala xidhiidhinayo inuu kooxda ka tegi doono dhamaadka xili ciyaareedka.

Saddex guulood, laba barbarro ah iyo laba laga badiyey ayaa illaa hadda ay Barcelona ka heshay horyaalka LaLiga, waxaanay fadhiyaan kaalinta siddeedaad, balse guul-darro kale oo kasoo gaadha ciyaartan, waxay keeni doontaa inay sagaal dhibcood ka hooseeyaan Atletico Madrid.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Atletico Madrid vs Barcelona

Tartanka: LaLiga

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Wanda Metropolitano

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Atletico Madrid waxa ka maqan weeraryahanka Luis Suarez oo aan awood u heli doonin inuu ka hor tago kooxdiisii hore, kaddib markii uu xanuunka Korona Fayras kasoo qaaday kulamada caalamiga ah xilli uu waddankiisa Uruguay kala qayb-gelayay isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Lucas Torreira ayaa isaguna Korona Fayras uu ku dhacay oo Uruguay kasoo qaaday, halka Stefan Savic, Hector Herrera, Mario Hermoso iyo Sime Vrsaljko ay dhamaantood dhaawac ku maqan yihiin.

Diego Costa ayaa sidoo kale qaba dhaawac muruqa ah, waxaana la filayaa inuu kusoo bilaaban doono kaydka, laakiin waxa hubaal ah inay ciyaartan kusoo bilaaban doonaan Joao Felix, Saul Niguez iyo Koke haddii aanay wax kale ku dhicin. Sidoo kale, Geoffrey Kondogbia ayaa rajaynaya inuu ciyaartiisii ugu horreysay kusoo bilowdo tan iyo markii uu kasoo wareegay Sevilla.

Dhinaca Barcelona, waxa dhaawac ku maqan Sergio Busquets oo xulka qarankiisa Spain wax ku noqday, taasina waxay fursad siin doontaa Miralem Pjanic oo dhexda kuyla soo bilaaban doona Frenkie de JOng.

Ansu Fati iyo Ronald Ara8ujo ayaa iyaguna aan beryahan lagu xisaabtami doonin, halka Philippe Coutinho uu kusoo laabtay kooxdiisa kaddib saddex usbuuc oo uu dhaawac ahaa.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Atletico Madrid: Oblak; Trippier, Felipe, Gimenez, Lodi; Llorente, Kondogbia, Koke, Saul; Felix, Correa

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Pique, Lenglet, Alba; Pjanic, De Jong; Dembele, Messi, Pedri; Griezmann

Villarreal vs Real Madrid

Real Madrid oo kaalinta afraad ee horyaalka LaLiga ku jirta ayaa marti u ah Villarreal, waxaanay raadsan doonaan guul ay kusoo yareeyaan afarta dhibcood ee ay ka horreyso Real Sociedad oo hoggaanka haysa.

Tababare Zinedine Zidane ayay kulankan ka maqan yihiin xiddigo waaweyn oo dhaawacyo iyo xanuunka Korona Fayras bannaanka ugaga maqnaanaya.

Kabtan Sergio Ramos ayaa muddo toddobaadyo ah maqnaanaya, sidoo kalena Casemiro ayaan kasoo bogsanin xanuunka Korona Fayras, waxaana liiska maqaneyaasha kula jira Fede Valverde oo dhaawac ah iyo Eder Militao oo wali xanuunka Korona aan si fiican uga bogsanin.

Waxa kale oo dhaawac ka ah Karim Benzema iyadoo beddelkiisii Luka Jovic uu isagana ku dhacay Korona Fayras oo uu laba toddobaad karantiil ku jirayo.

Warka wanaagsan ee Zidane helay ayaa waxa uu yahay inay garoomada kusoo laabteen difaaca midig ee Dani Carvajal iyo Nacho Fernandez oo muddo maqnaa, halka Martin Odegaard uu isaguna taam noqday bil kaddib.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Villarreal: Asenjo; Gaspar, Albiol, Torres, Pedraza; Trigueros, Iborra, Parejo; Moreno, Alcacer, Gomez

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Varane, Nacho, Mendy; Modric, Odegaard, Kroos; Vinicius, Eden Hazard, Asensio

Waqtiga ciyaarta: 6:15pm – waqtiga Geeska Afrika

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*