Hordhaca Wolves vs Liverpool – Xiddigaha Uu Klopp Soo Safayo Caawa, Xogta Kulanka & Reds Oo Wadada Guusha Baadigoobeysa

Guushii ay Liverpool ka gaartay RB Leipzig bartamihii isbuuca waxay u ogolaatay inay u gudbaan wareega 8da Champions League laakiin haddii ay doonayaan inay koobkaan u soo baxaan xilli ciyaareedka danbe iyagoo adeegsanaya POremier League waxay ku qasban yihiin inay caawa garaacaan Wolves islamarkaana xilli ciyaareedka ay ku dhameystaan si xoogan.

Advertisements

Diogo Jota ayaa dib u helay taam ahaanshihiisa isagoo rajeynaya inuu saameyn yeesho ku laabashadiisa garoonkiisii hore ee Molineux halkaasoo si weyn looga jeclaa.

Ninkii bedelay booskiisii Wolves Pedro Neto ayaa isna muhiim u noqon doonta Wolves haddii ay dooneyso inay dhibco ka hesho Reds.

Kulanka: Wolves vs Liverpool

Advertisements

Garoonka: Molineux

Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika

Xilli ciyaareedkii hore: Wolves 1-2 Liverpool

Garsoore: Craig Pawson

SHAXDA RASMIGA AH:

Wolves (3-4-3): Rui Patricio; Dendoncker, Coady, Saiss; Semedo, Moutinho, Neves, Jonny; Traore, Willian Jose, Neto

Liverpool (4-3-3): Alisson; Robertson, Kabak, Phillips, Alexander-Arnold; Wijnaldum, Fabinho, Thiago; Mane, Jota, Salah

MA OGTAHAY?

Kulankaan waa kulankii 100aad ee horyaalka ee ay iska horyimaadaan Liverpool iyo Wolves, Reds waxay badisay 52 kulan halka Wolves ay badisay 30 kulan.

Wolves ayaa laga badiyay sideed kulan oo isku xigta horyaalka oo ay ka horyimaadeen Liverpool, kooxda kaliya ee sagaal kulan oo isku xigta ka badisay waa Manchester City laga soo bilaabo 1902 ilaa 1933.

Guushooda kaliya ee ay ka gaareen Liverpool 13kii kulan ee Premier League waxay aheyd bishii December 2010. 13kaas kulan Wolves waxay dhalisay kaliya afar gool.

Si kastaba, Wolves waxay garaacday labo jeer kooxda Jurgen Klopp koobka FA Cup iyagoo ku garaacay Anfield bishii Janaayo 2017 iyo garoonka Molineux labo sannadood ka dib.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*