Halkaan Ka Daawo Kulanka Zimbabwe vs Soomaaliya Ee Lugta Labaad Ee Isreebreebka Koobka Adduunka

Advertisements

Waxaa haatan magaalada Harrare ka bilowday kulanka lugta labaad ee isreebreebka Koobka Adduunka ee Zimbabwe vs Somalia.

Bogga rasmiga ah ee FIFA ay ku leedahay Youtube ayaa ciyaarta si toos ah looga baahinayaa. Haddii uusan ku shaqeyneynin muuqaalka hoose riix halkaan. RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO CIYAARTA

Shaxda Ay Soomaaliya Ku Soo Gashay:

Somalia: Said Aweys Ali, Yonis Farah, Mohamud Ali, Ahmed Said Ahmed, Abel Gigli, Ahmed Ali (Kabtan), Abdelaziz Safimayo Yusuf, Abdulsamad Ahmed, Anwar Sidali Shakunda, Omar Abdulahi,.

Keyd: Hassan Ibrahin, Eyman Mohamed, Abdiwali Abdrihman, Amin Abas, Fahad Abdisamad, Mohamed Abukar, Ibrahim Abdi, Farhan Mohamad.

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaaraya dhigiisa Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka 2022 wadamada qaaradda Afrika, waliba marxaladda koowaad, waxeyna heystaan natiijo fiican maadaama ay 1-0 kusoo adkaadeen kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay Djabouti.

Soomaaliya waxey u aheyd markii ugu horreysay oo ay guul gaarto kulamada isreeb-reebka sida lagu daabacay bogga FIFA, 12-kulan oo ay ciyaaren kaliya guushii ay ku heleen bishaan wadanka Djabouti ayaa loo diwaan galiyay.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  RIKOODH: Man City Oo Rikoor Cusub U Dhigtay Premier League, SIDEED Gool Ayay Ku Xasuuqeen Watford & Silva Oo Seddexleeydiisii Ugu Horeysay Dhaliyay

Kadib guushaas, bogga twitter-ka ay FIFA ugu talagashay in lagu buun-buuniyo wararka koobka Adduunka 2022 ayaa soo daabacayay dhiirigalin taabaneysa ciyaartoyda Soomaalida.

Marka aad hal tallaabo u jirto booska taarikhiga ah ee wareega groupyada isreeb-reebka koobka Adduunka wadamada Afrika” ayaa lagu soo qoray shalayto.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa markaan tallaabo qurux badan qaaday kadib markii ay ay xulka kusoo dareen dhawr ciyaartoy oo qurbaha ka ciyaarta, waana isbadalka laga dareemayo xulka oo tallaabo weyn qaaday.

Dhanka qaranka Zimbabwe waxey xulkooda dib ugu yeereen saddex ka mid ah ciyaartoydooda kuwaas oo horay looga ganaaxay qaranka maadaama lagu eedeeyay iney masuul ka ahaayeen gadoodkii ay sameeyeen xiddigaha wadankaas ka hor bilowgii koobka qaramada qaaradda Afrika ee lagu qabtay Masar.

Si kastaba daafaca labada garab ka ciyaara ee Ali Mohamed kana tirsan kooxda Memphis 901 FC ee dalka USA ayaa seegi doona kulankaan kaas oo lugtii hore ka dhaawacmay qaranka, waxaana la filaya inuu badal u noqdo Abel Gigle oo mar usoo ciyaaray kooxda Parma.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  CODDAYN La Sugayay - Jamaahiirta Real Madrid Oo Coddayn Laga Qaaday Ku Go'aamiyay Tababaraha Ay Doonayaan - Jose Mourinho Mise Cid Kale?

Kabtan Ahmed Ali oo shabakadda LaacibNet ay la hadashay ayaa u sheegay iney qabaan kalsooni badan oo ay ugu riyoon karan iney xulka geyn karaan marxaladda labaad ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2022 ee wadamada Afrika.

TAAGEERAYAASHA SOOMAALIDA:

Taageerayal Soomaali ah ayaa gaaray magaalada Harare iyagoo ka ambabaxay wadanka South Afrika si ay taageero ficil ah ugu sameeyaan qarankooda oo kulan dhimasho ah la ciyaaraya dhigooda Zimbabwe.

Advertisements

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa si qurux badan uga shaqeysay in dhalinyarada iskood isku xilqaamay ee ku nool wadankaas ay helaan ogolaansho ay ugu safraan wadanka dariskooda ah si ay taageero ugu sameeyaan qaranka.

Safar saacado qaatay oo ay kaga baxeen magalooyin ka mid ah Koonfur Afrika, waxey ugu dambeyntii gaareen halkii ay rabeen oo aheyd Harare.

Comments are closed.