Hordhac: West Ham vs Man United – Red Devils Oo Booqaneysa Garoon Cashar Loogu Dhigay Sannadkii Hore – Saadaasha & Xogta Kulanka

Advertisements

West Ham ayaa ku soo dhaweyn doonta Manchester United garoonka London Stadium maanta oo Axad ah iyagoo rajeynaya inay ka faa’ideystaan lix maalmood oo nasasho ah.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa ciyaartay habeenkii Khamiista taranka Europa League iyagoo 1-0 ku garaacay kooxda FC Astana iyadoo tababaraha reer Norway uu nasasiiyay inta badan xiddigihiisa muhiimka ah.

Man United oo labo dhibcood ku soo heshay garoon marti ah xilli ciyaareedkan kulamadii Southampton iyo Wolves ayaa rajeyneysa inay halkeeda ka sii wado guushii ay Leicester uga gaartay Old Trafford.

West Ham ayaa kaliya hal kulan ka badisay Manchester United todobadii kulan ee ugu danbeysay, laakiin kulankaas waxa uu ahaa kii xilli ciyaareedkii hore oo ay kooxda Manuel Pellegrini 3-1 ku badisay London Stadium.

  • Hordhac West Ham vs Man Utd

  • Premier League 2019-20

  • Garoonka: London Stadium

  • Taariikhda: Axad 22ka September, 2019

  • Waqtiga: 4pm Saacada Geeska Afrika

Wararka Labada Kooxood

West Ham waxaa ka maqnaan doona daafaca bidix Arthur Masuaku oo ganaax ku maqan ka dib markii casaan uu qaatay kulankii Aston Villa, halka Manuel Lanzini uu wajahayo baaritaan caafimaad.

Michail Antonio iyo Winston Reid ayaa muddo dheer dhaawacy kaga maqnaa West Ham.

Manchester United ayaa rajo ka qabta in Daniel James uu ka soo kabsado dhaawacii dhabarka ka soo gaaray kulankii Leicester City isbuucii hore isagoo mid ahaa xiddigihii u safray London.

Labada xiddig ee Faransiiska Paul Pogba iyo Anthony Martial ayaa kulankaan ku seegaya dhaawac si la mid ah Luke Shaw iyo Eric Bailly.

Da’ yarka Mason Greenwood ayaa ka mid ahaa xiddigihii ka haray safarka ay kooxda shalay ugu ambabaxday London inkastoo uu goolkiisii ugu horeysay u dhaliyay kooxda habeenkii Khamiista kulankii ay ka badiyeen Astana ee Europa League.

Shaxda Macquulka Ah:

West Ham: Fabianski; Fredericks, Diop, Ogbonna, Cresswell; Rice, Noble; Yarmolenko, Lanzini, Anderson; Haller.​

Advertisements

Man Utd: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Young; Matic, McTominay; Mata, Lingard, James; Rashford

Saadaasha: West Ham 1-1 Man Utd

Inkastoo ay Man United aan lagu soo garaacin garoon marti ah xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League hadana waa ay ku soo dhibtoodeen. Xilli ciyaareedkii hore West Ham garoonkaan waa ay ku garaacday United iyagoo weliba ku badiyay 3-1. Lama filayo natiijo la mid ah laakiin filo inay isku garab dhacaan.