HORDHAC: West Ham vs Arsenal – Gunners Iyo Hammers Oo Tartanka Afarta Sarre U Kala Baxaya, Shaxda Macquulka Ah & Xogta Kulanka

West Ham United ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Arsenal iyagoo isha ku haya guul ay kusoo xoojiyaan tartanka ay ugu jiraan ku dhammaysiga afarta kaalmood ee sarre xilli ciyaareedkan kulan London Derby ah oo muhiim ah kana qabsoomaya London Stadium.

Advertisements

Hammers ayaa hadda booska shanaad ka jooga miiska kala sarreynta horyaalka waana kaalin aad Arsenal u qiyaasan karaysay bilawgii xilli ciyaareedka halka Gunners ay fadhiyaan kaalinta 10-aad oo aad bilawgii horyaalka u sawiran karaysay West Ham.

West Ham vs Arsenal highlights: West Ham collapse as Aubameyang piles misery on Pellegrini - football.london

XOGTA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Moyes ayaa ku faraxsanaan doona inuu dib usoo dhaweeyo Jesse Lingard oo uu sharcigu u diiday kulankii ugu dambeeyay inuu kahor tago kooxda uu amaahda kaga maqnaa ee Man United, Lingard ayaa soo laabanaya iyadoo ay dhaawacyo ku maqan yihiin Fornals iyo Yarmolenko.

Advertisements

Mark Noble iyo Ben Johnson oo labaduba kusoo bilawday kulankii Man United ayaa la filayaa inay keydka ku laabtaan iyadoo Said Benrahma iyo Manuel Lanzini ay ku tartami doonaan buuxinta doorka khadka dhexe ee weerarka.

Arsenal ayaa qabta wer-wero dhaawac oo aad u kooban, Willian iyo Bukayo Saka ayaa seegay kulankii Europe League sababo la xidhiidha dhaawacyo yar yar, Saka ayaa isagu u muuqda mid diyaar u ah xulashada kulankan.

Aubameyang ayaa kulankaas Europe League ee Olympiacos shaxda kusoo bilawday balse qaab ciyaareedkiisa oo ahaa mid liita ayaa sababi kara in lagu soo bilaabo Lacazette oo rekoodh fiican ku leh kahor tagista West Ham.

Cedric Soares, Partey iyo Odegaard ayaa dhammaantood la filayaa inay shaxda Arteta kusoo laabtaan iyadoo Bellerin, Ceballos iyo Elneny ay meesha ka baxayaan.

SHAXDA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD

 

West Ham United: Fabianski; Coufal, Dawson, Diop, Cresswell; Rice, Soucek; Bowen, Lanzini, Lingard; Antonio

Arsenal: Leno; Cedric, Luiz, Gabriel, Tierney; Xhaka, Partey; Pepe, Odegaard, Smith Rowe; Lacazette

XOGTA KULANKA

Tartanka: Premier League

Garoonka: London Stadium

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*