Hordhac: Valencia vs Barcelona – Quique Setien Oo Imtixaankii Ugu Adkaa Maraya, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Xogta Kulanka

Advertisements

Valencia oo ku jirta qaab ciyaareedkeedii ugu wanaagsanaa in muddo ah ayaa waxay maanta garoonkeeda Metalla Stadium ku martigelinaysaa kooxda reer Catalonia ee Barcelona oo hoggaanka horyaalka LaLiga ku haysa farqi goolal ah oo ay ka sarrayso Real Madrid.

Valencia oo dib usoo noolaatay usbuucyadii tegay waxay fadhidaa kaalinta toddobaad iyadoo haysata 31 dhibcood, laakiin waxay u baahan yihiin inay dhibco ka helaan ciyaarta garoonkooda ka dhacaysa ee maanta, si la mid ah kulankii Real Madrid ee bishii December oo ay barbarro ku qabteen, taas  oo ka caawin karta ay sare ugu soo ruqaansadaan boosaska sare ee Champions League loogu soo baxayo xili ciyaareedka dambe.

Kooxda tababare Alberto Celades waxay soo dhex dabbaalatay kulamo natiijooyinkoodu isbeddel badan ku dhacay, waxaana illaa hadda ay soo guuleysatay siddeed ciyaarood oo kaliya 20-kii kulan ee horyaalka ee la ciyaaray, waxaanay soo raacsatay toddoba jeer oo barbarro ah iyo shan cityyaarood oo laga badiyey, laakiin haddana wax badan kama hooseeyaan kooxaha ku jira kaalmaha saddexaad iyo afraad waxaana u dhexeeya afar dhibcood oo kaliya.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa laba ciyaarood oo uu hoggaamiyey tababaraha cusub ee Quique Setien waxay soo bandhigtay ciyaar wanaagsan oo ay labada kulanba ku guuleysatay, waxaanay kala ahaayeen ciyaartii Granada ee horyaalka ee usbuucii hore oo Lionel Messi uu u dhaliyey goolka kaliya ee ay guushu ku raacday iyo kulankii Copa del Rey ee Arbacadii oo laba gool oo Antoine Griezmann uu u dhaliyey ay ugu gudubtay wareegga 16-ka.

20 ciyaarood oo illaa hadda ay soo ciyaartay, Barcelona waxay kasoo heshay 43 dhibcood waxaanay isku mid yihiin Real Madrid, balse bandhigga liita iyo lacagtii badnayd ee ay kooxdu kharash-garaynaysay suuqyadii u dambeeyey, waxay keentay in laga takhaluso tababare Ernesto Valverde oo si xun looga reebay tartanka Spanish Super Cup ee dhamaadka bishii hore lagu qabtay Saudi Arabia, waxaana u raacay in labadii ciyaarood ee kasii horreeyey safarka Saudi Arabia in ay soo qabteen kooxaha Real Sociedad iyo Espanyol oo ay barbarro wada galeen.

Marka la eego lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey natiijooyinkii ay koox walba kasoo heshay, Valencia waxay soo urursatay 11 dhibcood oo uga yimid saddex guulood iyo laba barbarro ah, hal kulanna laga badiyey. Laakiin Barcelona ayaan wax badan kasoo rikoodh wanaagsanayn, waxaanay soo heshay 12 dhibcood oo  ku yimid saddex guulood iyo saddex barbarro ah.

Xogta Kulanka

Ciyaarta: Valencia vs Barcelona

Tartanka: LaLiga, kulamada 21aad

Waqtiga: 6:00pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Mestalla Stadium

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Valencia waxa weli sariiryaal ka ah oo dhaawac kaga maqan Cristiano Piccini, Goncalo Guedes iyo Manu Vallejo, laakiin waxa la tilmaamayaa in weeraryahanka Rodrigo Moreno uu kasoo laabtay dhaawac fudud oo uu ka cabanayey.

Los Che waxa ganaax kaga maqnaanaya caawa xiddigeeda halbowlaha u ah khadka dhexe ee Dani Parejo, taas oo ka dhigan in Ferran Torres ama Geoffrey Kondogbia ay kusoo bilaaban doonaan.

Dhinaca Barcelona, waxa dhaawac ka ah Luis Suarez iyo Ousmane Dembele oo jilibka iyo muruqa waxyeello kasoo kala gaadhay, sidoo kalena goolhaye Neto ayaan la heli karin kaddib jug kuraanta kaga dhacday Arbacadii.

Messi oo soo nastay ciyaartii Ibiza ayaa hoggaamin doona shaxda tababare Setien oo la filayo inay noqon doonto 3-5-2, taas oo macnaheedu tahay in Griezmann iyo Messi ay afka hore wadaagi doonaan.

Advertisements

Jordi Alba, Samuel Umtiti iyo Arturo Vidal ayaa kusoo laaban doona safka koowaad kaddib nasashadii Ibiza, sidoo kalena Sergio Roberto ayaa difaaca midig kula tartami doona Nelson Semedo, halka Ansu Fati uu dhici doono.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Valencia: Domenech; Wass, Paulista, Diakhaby, Gaya; Cheryshev, Kondogbia, Coquelin, Soler; Rodrigo, Gameiro

Barcelona: Ter Stegen; Lenglet, Umtiti, Pique; Roberto, Busquets, De Jong, Rakitic, Alba; Griezmann, Messi

Comments are closed.