Hordhac: Real Madrid vs Valladolid – Zidane Oo Ka Hortegaya Kooxda Uu Iibsaday Saaxiibkii R9, Real Oo Hoggaanka Kala Wareegi Kara Barca Iyo Xogta Kulanka Caawa

Advertisements

Real Madrid ayaa si buuxda ula wareegi doonta horyaalka waddanka Spain ee LaLiga haddii ay guul ka keento ciyaarta ay caawa safarta ugu tegi doonto Real Valladolid oo uu dhowaan iibsaday halyeygii reer Brazil ee Ronaldo oo kaalinta 15aad kaga jirta miiska kala-sarraynta horyaalka.

Zinedine Zidane ayaa u baahan inuu guul weyn soo helo si uu Barcelona uga sarreeyo saddex dhibcood oo nadiif ah, taas oo xalay kusoo kuftay safar ay ugu tagtay Valencia oo 2-0 kusoo garaacday.

Los Blancos oo ku raaxaysanaysa bandhigyadoodii ugu dambeeyey ee tartankii Spanish Super Cup oo ay koobka kaga soo guuleysatay Atletico Madrid, waxay sii raacsatay guul 3-1 ah oo ay Arbacadii ka gaadhay kooxda yar ee Unionistas de Salamanca taas oo ay ugu soo gudubtay wareegga 16ka ee tartanka Copa del Rey, waxaanay uga sii horreysay farxad kale oo ahayd 2-1 ay ku jiidheen Sevilla ciyaartii ay Bernabeu ku martigelisay January 18.

Real Madrid oo 33 jeer kusoo guuleysatay horyaalka LaLiga, waxay xili ciyaareedkan iska ilaalisay inay guul-darrooyin la kulanto, waxaanay laga badiyey hal ciyaar oo kaliya dhamaan kulamadii horyaalka ee ay soo ciyaartay oo ay tiradoodu tahay 20, hase yeeshee waxa ku badan barbarraha oo saddex ka mid ah shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay soo galeen.

Xili-ciyaareedkan, waxa uu Zidane ku riyoonayaa inuu ka faa’iidaysto kala daadsanaanta Barcelona oo uu horyaalka ku guuleysto markiisii labaad isagoo tababare ah, waxaanu hore usoo qaaday xili ciyaareedkii 2017-18.

Marka la eego natiijooyinka labada kooxood ka keeneen min lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka, kooxda martida loo yahay ee Real Valladolid wax guul ah may soo arag, laakiin haddana waxa laga badiyey hal ciyaar oo kaliya, taas oo ka dhigan in shan kulan oo barbarro ah ay soo galeen lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Real Madrid ayaa iyaduna saddex guulood iyo saddex barbarro ah soo diiwaangashatay lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Real Valladolid vs Real Madrid

Tartanka: LaLiga, kulamada 21aad

Waqtiga: 11:00PM – Saacadda Geeska Afrika

Advertisements

Garoonka: Jose Zorrilla

Garsoore: Ricardo De Burgos Bengoetxea

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Valladolid waxa dhaawac ka qaba laacibka Stiven Plaza oo ay suurtogal tahay inuu soo laabto, hase yeeshee ma jiro walaac kale oo la xidhiidha dhaawacyo iyo ganaaxyo.

Sandro Ramirez iyo Oscar Plano ayaa kusoo bilaabmay safka koowaad ee kulankii Osasuna ee usbuucii hore, hase yeeshee Sergi Guardiola iyo Enes Unal oo toddoba gool oo horyaalka ah soo wada dhaliyey ayaa hoggaamin doona safka weerarka.

Dhinaca Real Madrid, waxa ka maqnaan doona Dani Carvajal oo ganaax ah kaddib markii uu shan kaadh oo digniin ah qaatay, hase yeeshee waxa maqnaanshaha ku wehelin doona Gareth Bale oo ciyaartii Copa del Rey ee Arbacadii kuraanta wax ka noqday.

Sergio Ramos oo aan garoomada lagu arag laba toddobaad iyo dheeraad ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiisa, waxa se suurtogal ah in tababare Zinedine Zidane uu kusoo bilaabo Eder Militao oo uu nasiyo Kabtankiisa si uu si buuxda ugu soo kabto ka hor ciyaarta Madrid derby ee Sabtida dambe.

Eden Hazard iyo Marco Asensio ayaa Real Madrid ka farxiyey usbuucan markii ay kusoo laabteen tababarka, laakiin diyaar uma aha kulankan.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Real Valladolid: Masip; Salisu, Olivas, Fernandez; Nacho, Emeterio, Alcarez, Michel, Moyano; Unal, Guardiola

Real Madrid: Courtois; Nacho, Militao, Varane, Mendy; Kroos, Casemiro, Valverde; Rodrygo, Benzema, Vazquez

Comments are closed.