Hordhac: Real Madrid vs Athletic Bilbao – El Clasico Soo Uraysa, Zidane Oo Imtixaan Horyaallo Caawa & Shaxaha Macquulka Ah

Advertisements

Real Madrid iyo Athletiic Bilbao ayaa caawa kusoo kala bixi doona semi-finalka tartanka Supercopa de Espana iyagoo og inay finalka sii joogto Barcelona oo xalay rikoodheyaal kaga badisay Real Sociedad.

Taageereyaasha ayaa ku ducaysanaya inay mar kale daawadaan El Clasico oo ay finalka iskugu yimaaddaan Barcelona iyo Real Madrid, iyadoo kulankoodii horyaalka ee xili ciyaareedkan ay guul weyn gaadhay Los Blancos.

Real Madrid iyo Athletic Bilbao ayaa waxay ka midaysan yihiin in aanay wax guul ah soo helin kulamadoodii ugu dambeeyey, waxaana ay riwaayadi ka dhacday ciyaartii ay Real Madrid la dheeshay Osasuna horraantii usbuucan oo garoon uu barafka loo yaqaano Storm Filomena uu qariyey ay ku ciyaartay, taas oo keentay inay barbarro gasho.

Laakiin dood ayaa ka dhalatay ciyaartan, waxaana Real Madrid ay weerartay maamulka LaLiga oo isaguna kaga jawaabay in kooxdani aanay marnaba soo dalbanin in ciyaarta dib loogu dhigo, halka wasaaradda gaadiidku ay iyaduna ka hadashay diyaaraddii ciyaartoyda Real Madrid u qaadday Pamplona oo waqti halis badan duushay.

Inkasta oo 70% ay Real Madrid maamulaysay ciyaartan, haddana may helin gool ay ku disho ciyaarta, balse taas beddelkeeda iyaga ayuu dhawr jeer la baxsaday goolhaye Thibaut Courtois.

Zinedine Zidane ayaa hadda u baahan inuu kulankan guuleysto si ay kooxdiisu u tagto finalka oo ay Barcelona, iyadoo haddii uu koobkana qaado uu sii kordhisan doono tirada koobabka badan ee muddada gaaban uu kula guuleystay kooxdan.

Xili ciyaareedkan oo aanay Real Madrid si fiican ugu bilaabanin, ayna jirtay waqti shaki la gelinayay mustaqbalkiisa gaar ahaan markii ay qarka u saarnaayeen inay ka hadhaan tartanka Champions League, waxay u baahan tahay inay difaaco koobkan ay sannadkii hore kusoo qaadeen waddanka SUcuudiga.

Los Blancos waxa tartankan kaga koobab badan Barcelona oo kaliya ku guuleysatay 13 jeer halka iyaguna ay qaadeen 11 jeer.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Real Madrid vs Athletic Bilbao

Tartanka: Spanish Super Cup

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Estadio La Rosaleda

Garsooraha: Juan Martinez (Spain)

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Advertisements

Real Madrid waxa sharcigu u ogol yahay inuu u ciyaaro difaaca reer Spain ee Dani Carvajal oo soo dhamaystay hal kulan oo ganaax ah, laakiin waxa haddana ku dhacay dhaawac muruqa ah oo suurtogal aan ka dhigin kulankan.

Lucas Vazquez ayaa kusoo bilaaban doona difaaca midig maadaama uu Carvajal maqan yahay, waxaase la rajaynayaa in Zidane uu isbeddel ku sameeyo khadka dhexe oo uu kusoo bilaaban doono halyeygii tartankan loo nisbaynayay inuu u qaaday sannadkii hore ee Federico Valverde.

Luka Jovic oo dhaawac ah darteed, waxa Real Madrid ay kusii dhegsanaan doontaa Karim Benzema oo aan heli doonin fursad uu ku nasto.

Dhinaca Bilbao, ma jiro wax walaac ah oo dhaawacyo ah oo ka jira, waxaana haddii laga tegi waayo inyar oo shaki ah uu ku jiraa difaaca bidix ee Yuri Berchiche.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Real Madrid: Courtois; Vazquez, Ramos, Varane, Mendy; Casemiro, Kroos, Valverde; Asensio, Benzema, Hazard

Athletic Bilbao: Simon; Capa, Nunez, Martinez, Balenziaga; De Marcos, Vesga, D. Garcia, Muniain; Williams, R. Garcia

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*