HORDHAC: Real Madrid vs Atalanta – Xiddigaha Laf-Dhabarta Ah Ee Ka Maqan Los Blancos, Shaxaha Macquulka Ah & Wararka Labada Dhinac

Kooxda ree Spain ee Real Madrid ayaa isku dayi doonta inay iska xaadiriso wareega siddeed dhammaadka UEFA Champions League marka ay caawa lugta labaad ee wareega 16-ka qaabisho dhigeeda Atalanta kulan xiiso badan oo aan wali lagu kala bixin kaddib lugtii hore.

Advertisements

Los Blancos ayaa hoggaanka ku haya hal gool kaddib markii ay lugtii hore guul 1-0 ah soo gaadheen iyagoo gool xilli dambe ah ka helay daafaca bidix ee Ferland Mendy.

Real Madrid ayay ciyaaryahano badan oo muhiim ahi ka maqnaayeen lugtii koowaad iyadoo uu Isco doorka weerarka dhexe ka ciyaarayay sababtoo ah maqnaanshaha Karim Benzema balse kulanka caawa ayuu tababare Zinadine Zidane xiddigo dhawr ah dib u heli doonaa.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Advertisements

Real Madrid ayuu markale ka maqnaan doonaa daafaca midig ee Dani Carvajal, sidoo kale waxaan la filayn inay ciyaartan taam u noqon doonaan Alvaro Odriozola iyo Mariano Diaz.

Casemiro oo kamida xiddigaha uu Zidane aadka ugu tiirsan yahay ayaa ganaax kaga maqnaanaya kulankan Real Madrid waxaana la saadaalinayaa in Federico Valverde uu khadka dhexe kula midoobi doono Luka Modric iyo Toni Kroos,

Sergio Ramos oo soo laabtay kulankii Elche ayaa la filayaa inuu kusoo bilaaban doono ciyaartan, sidoo kale Marcos Asensio iyo Rodrygo ayaa ku rajo weyn inay garbaha weerarka ka caawin doonaan Benzema.

Musiibada cusub ee ku habsatay Real ayaa ah dhaawaca kale ee gaadhay Eden Hazard kaas oo ay wararka qaar sheegayaan inuu qaliin kale galayo oo uu inta xilli ciyaareedka ka dhiman maqnaan karo.

Dhinaca Atalanta waxa maqnaan doona daafaca midig ee Hans Hateboer halka khadka dhexe ee Freuler uu u maqnaan doono sababta casaankii uu qaatay lugtii hore.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Real Madrid (3-5-2): Courtois; Varane, Ramos, Nacho; Vazquez, Modric, Valverde, Kroos, Mendy; Rodrygo, Benzema

Atalanta (3-4-2-1): Sportiello; Toloi, Romero, Djimsiti; Maehle, de Roon, Pasalic, Gosens; Ilicic, Pessina; Muriel

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Alfredo Di Stefano

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa’

Garsoore: Danny Makkeile

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*