Hordhac: Osasuna vs Barcelona – Barca Oo Ku Dhowaanaysa Hoggaanka, Isbedellada Uu Koeman Samaynayo Iyo Shaxaha Macquulka Ah

Barcelona ayaa laba dhibcood oo kaliya u jirsan doonta Atletico Madrid oo hoggaanka haysa haddii ay guul ka keento ciyaarta ay caawa martida ugu noqonayso Osasuna, laakiin Atletico oo Axadda la ciyaaraysa Real Madrid ayaa ku laaban karta shan dhibcood oo ay ka horreyso Barca haddii ay guuleysato.

Advertisements

Kooxda tababare Ronald Koeman ahyaa waqtigan ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka LaLiga, waxaanay isku dhibco yihiin Real Madrid oo ay farqiga goolasha kaga horreeyaan, laakiin Osasuna ayaa fadhida kaalinta 12aad ee horyaalka iyadoo kulamadii ugu dambeeyey guulo muhiim ah gaadhay, halkaasna iska soo xaadirisay.

Osasuna ayaa Barcelona soo dhoweynaysa iyadoo sagaal dhibcood ka heshay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka, isla markaana 1-0 kusoo garaacday Alaves usbuucii hore.

Los Rojillos ayaa hoos u socotay qaybtii hore ee sannadkan 2021, laakiin intii dambe ayay soo noolaatay waxaanay laba dhibcood oo kaliya usoo jirsatay Athletic Bilbao oo kaalinta 10aad fadhida.

Advertisements

Dhibaatada ugu weyn ee kooxdan haysaa ayaa ah dhinaca gool-dhalinta, waxaana 25 ciyaarood oo horyaalka ah ay kaliya dhalisay 23 gool, halka 33 jeer iyadana shabaqeeda kubaddu taabatay.

Advertisements

Dhinaca kale, Barcelona ayaa safarkan gashay kaddib laba guulood oo isku xigay oo ay ka gaadhay Sevilla. Lugtii labaad ee semi-finalka Copa del Rey ayay Arbacadii 3-0 ku garaaceen Sevilla, waxaana uga horreysay Sabtidii oo ay horyaalka wada ciyaareen oo ay 2-1 ku dhufteen.

Kooxda reer Catalonia oo iyaduna xili ciyaareedkan ka hoosaysa sidii looga bartay, waxa dhowaanahan boodhka iska jafay Lionel Messi oo wacdaro ka dhigaya garoomada, isla markaana goolashiisa iyo caawintiisuba ay yihiin kuwo kooxdiisa sababta ugu noqday inay kaalinta labaad soo gasho.

Laakiin xaqiiqada ah in afartii guul-darro ee Barcelona ay xili ciyaareedkan la kulantay ay mid ka  mid ahi kasoo gaadhay kulankii hore ee Osasuna, waxa Koeman ay ku keenaysaa inuu ku fikiro inuu aargoosto.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Osasuna vs Barcelona

Tartanka: LaLiga

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Estadio El Sadar

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Osasuna waxa ka maqan Facundo Roncaglia iyo Chimy Avia, sidoo kalena waxa uu shaki ku jiraa taam ahaanshaha Darko Brasanac, Ruben Martinez iyo Inigo Perez.

Barcelona waxa iyadana dhaawac kaga maqan Philippe Coutinho, Ansu Fatu iyo Sergi Roberto, halka Miralem Pjanic iyo Ronald Araujo aanay haysanin fursad badan oo ay kulankan ku ciyaari karaan.

Gerard Pique oo jilibka dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Sevilla ayaa seegaya muddo saddex toddobaad ah, waxaana Clement Lenglet ka garab ciyaari doona Oscar Mingueza.

Koeman ayaa la filayaa inuu isbeddel ku sameeyo safkii uu kula ciyaaray Sevilla kulankii Copa del Rey, isla markaana ay kusoo bilowdaan Antoine Griezmann iyo Trincao.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Osasuna: Herrera; Vidal, Aridane, D Garcia, Cruz; Torro, Oier, Moncayola; Torres, Calleri, R Garcia

Barcelona: Ter Stegen; Dest, Mingueza, Lenglet, Alba; Pedri, Busquets, De Jong; Trincao, Messi, Griezmann

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*