Hordhac: Norwich vs Liverpool – Reds oo 25 Dhibcood Hoggaanka Ku Qaban karta, Dhaawacyadii Oo Ka Fududaaday Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey

Advertisements

Liverpool ayaa sii dheeraysan kara doonta hoggaanka horyaalka Premier League marka ay caawa fiidka booqato naadiga sagxadda hoose fadhiya ee Norwich, waxaana taas ka caawisay kooxda Wolves oo xalay laba dhibcood ka jartay Leicester City oo kaalinta labaad soo cidhiidhsan lahayd.

Kooxda tababare Klopp ayaa tegi doonta garoonka Carrow Road, waxaanay 25 dhibcood ka sare mari doonaan Manchester City oo kaalinta labaad fadhida, iyadoo usii dhowaan doonta hanashada horyaalka oo ay soo afjarayso 30 sannadood oo ay abaari ka haysay, hase yeeshee isla marka ay ciyaarta caawa dhamaato, waxay Liverpool diiraddeeda u jeedin doontaa tartanka Champions League oo ay Arbacada ku ballansan yihiin Atletico Madrid lugta hore ee wareegga 16-ka.

Kooxda martida loo hayay ee Norwich City, ayay sii yaraanaysaa rajada ay ka qabto inay ka badbaaddo inay dib ugu laabato heerka labaad, waxaana ciyaartii ugu dambaysay bahdilaad ku samaysay Southampton oo u dhiibtay 4-0, laakiin dhulka isma dhigi doonaan kulanka caawa, waxaanay isku dayi doonaan in garoonkooda ay ugu yaraan kaga badbaadaan guul-darro maadaama ay la ciyaarayaan koox aan xili ciyaareedkan hal marna laga soo adkaanin.

Liverpool oo 42 ciyaarood oo xidhiidh ah aan laga soo adkaanin, waxay guul kale oo u sii dhoweysa rikoodhkii Arsenal caawa ka raadin doontaa Norwich, waxaanay isla caawaba dhaafi doonaan rikoodh sannadkii 1978-kii ay samaysay kooxda Nottingham Forest oo xilligaas aan laga badinin kulamo taariikhda galay, hase yeeshee haddii ay guushan helaan, kaliya waxa ay hiigsan doonaan rikoodhkii Gunners ee 49 ciyaarood, taas oo ay uga dhiman tahay lix ciyaarood oo kaliya.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, Noriwch iyo Liverpool waxay kusoo kala sugnaayeen marxalado aan isku dhoweyn, naadiga gurigiisa lagu ciyaarayaana waxa uu soo helay hal guul oo kaliya, saddex barbarro ah iyo laba laga badiyey, laakiin Liverpool ayay u ahayd lix kulan oo wada guulo ah oo ay soo heleen 18 dhibcood.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Norwich vs Liverpool

Tartanka: Premier League, kulamada 26aad

Waqtiga: 8:30 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Carrow Road

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Liverpool waxa dib ugu soo laabtay weeraryahanka reer Senegal ee Sadio Mane oo kasoo kabtay dhaawac muruq ah, sidoo kalena waxa tababarka si buuxda u qaatay rug-caddaaga guunka ah ee James Milner.

Tababare Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyey in Mane iyo Milner ay taam u yihiin ciyaartan, balse waxa uu xusay in Xherdan Shaqiri uu yahay laacibka kaliya ee kooxda koowaad ah ee dhaawac ku maqan.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Advertisements

Norwich: Krul; Aarons, Zimmermann, Godfrey, Byram; Tettey, McLean; Buendia, Duda, Cantwell; Pukki

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Oxlade-Chamberlain; Salah, Firmino, Mane

Comments are closed.