Hordhac: Man United vs Brighton – Red Devils Oo Isha Ku Heysa Iney Kusoo Laabato Wadada Guulaha Kulamada Horyaalka.

Advertisements

Man United ayaa gurigeeda Old Trafford kusoo dhaweyneysa Brighton & Hove Albion, waana kulan labada dhinacba ay doonayaan iney guulo gaaraan ka hor inta aysan ciyaartoyda aadin fasaxa kulamada caalamiga ah.

Red Devils waxey fadhisaa booska 14-aad ee horyaalka iyadoo 13-dhibcood shaqeysatay kulamadii ay ciyaartay horyaalka fasalkaan (11), kaliya 2-dhibcood ayeyna ka hooseeyaan kooxda ay galabta la ciyarayaan ee Brighton.

Man United waxey dooneysaa iney dib ugu soo laabato wadada guulaha kulamada horyaalka, 1-0 guuldaro ah ayey kala kulantay markii ugu dambeysay kooxda Bournemouth.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Man United vs Brighton & Hove Albion

Tartanka: Premier League

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 5:00 Galabnimo (XGA)

Garsoore: Jonathan Moss (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Man United waxaa wali ka maqan Paul Pogba, sidoo kale Luke Shawr, Matic iyo Eric Bailly ayaa ka maqnaan doona ciyaartaan kuwaas oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Lindelof ayey suuragal tahay inuusan ciyaarin galabta maadaama uusan tababar qaadan, waxaana laga yaabaa in Rojo uu la ciyaaro Maguire.

Dhinaca kale Brenden Williams ayaa filanaya inuu difaaca bidix kusoo bilowdo galabta.

Aaron Webster ayaa laga yaabaa inuu seego kulanka galabta dhanka Brighton kadib dhaawac soo gaaray isbuucii hore, sidoo kalana Bernardo iyo Izquierdo ayaa kooxda ka maqan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Manchester United:

De Gea; Wan-Bissaka, Maguire, Rojo, Williams; McTominay, Fred; James, Lingard, Rashford; Martial

Brighton & Hove Albion:

Ryan; Montoya, Duffy, Dunk, Burn; Trossard, Gross, Stephens, Alzate; Maupay, Connolly

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Advertisements

Kulanka galabta waa midkii 22-aad ee ay labadaan kooxood tartan rasmi ah isaga hor imaadaan, United ayaana badisay 13-jeer, halka Brighton ay guul heshay 3-jeer.

Brighton ayaa heshay kaliya hal dhibic lixdii ciyaarood ee ay kulamada horyaalka booqdeen Man United ciyaaraha heerka koowaad, markaasna waxey ahey 1983.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*