HORDHAC: Man City vs Dortmund – Guardiola Oo Sanad Kale Oo Madax Xanuun Ah Ka Ordaya, Xogta Kulanka & Shaxaha Macquulka Ah

Kooxda Manchester City oo halkeeda kasii wada hammiga ah ku guuleysiga dhammaan afarta koob ee ay xilli ciyaareedkan ka qayb qaadanayso ayaa caawa soo dhawaynaysa dhigeeda Borussia Dortmund kulan xiiso badan oo ka tirsan wareega siddeed dhammaadka Champions League.

Advertisements

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaa si fudud kaga soo baxday Borussia Monchengladbach wareegii hore halka ay Dortmund si adag kaga soo gudubtay Sevilla.

Man City vs Dortmund: Champions League sneak peek / Qlur

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Guardiola ayaa markale caawa ku raaxaysan doona inuu shaxdiisa kasoo xusho saf dhammaystriran oo dhaawacyo la’aan ah oo uu haysto balse Joao Cancelo iyo Fernandinho ayaa haddii ay wax kaadh jaale ah qaataan seegi doona lugta labaad.

Advertisements

Fernandinho ayaa isaga la filayaa inuu keydka u geli doono Ilkay Gundogan balse Cancelo ayaa filanaya inuu booska daafaca midig ka saari doono Walker halka Benjamin Mendy oo qaab fiican kaga hortagay Leicester toddobaadkani uu filayo inuu booskiisa sii xejisan doono.

Dhinaca Borussia Dortmund ayaa la filayaa inay ka maqnaan doonaan daafaca dhexe ee Zagadou iyo khadka dhexe ee Axel Witsel oo labaduba dhaawacyo qaba halka Schulz ay u badantahay inuu booska daafaca bidix u waayi doono Raphael Guerreiro.

Arrinta dhabar jabka ku ah BVB ayaa ah in da’yarka garabka weerar ee Jadon Sancho uu dhaawac ku seegayo ciyaartan adag, dhinaciisa Haaland ayaa isaguna hal kaadh u jira inuu seego ciyaarta dambe.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Manchester City: Ederson; Cancelo, Dias, Stones, Mendy; Rodri, Gundogan, De Bruyne; Silva, Sterling, Foden

Borussia Dortmund: Hitz; Can, Akanji, Hummels, Guerreiro; Delaney, Bellingham, Dahoud; Hazard, Haaland, Reus

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Etihad Stadium

Garsoore: Ovidlu Hategan (Romania)

Advertisements

4 Fekradood

  1. Kulanka cawa ee aan ka hortageeno borussia dortmund waa kulan xamaasad io xiiso leh kooxada an tageeraha weyn u ahay ee man city waxan u rajeynaya 3-0 iney ku dhar baaxdo guul guul ayan u rajeynay

  2. Kulanka man city vs borusia dormound
    Waa la dhayalsan karin musiibada haaland allaha naga badbaadiyo😂😂😂

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*