Hordhac: Liverpool vs RB Leipzig – Reds Oo Qalbi-jabka EPL Iskaga Maydhaysa UCL, Rikoodhka Cajiibka Ah Ee 20ka Kulan Iyo 52ka Gool Ee Caawa Shaqaynaya

Liverpool iyo RB Leipzig ayaa mar labaad ku ciyaaraya garoonka Puskas Arena ee magaalada Budapest oo ay lugtii horena ku dheeleen, laakiin waxa caawa marti ahaan loogu qoran yahay Liverpool oo lasoo raray kulankeedii Anfield ka dhici lahaa.

Advertisements

Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisu 2-0 ku badisay lugtii hore ee ka dhacday isla garoonkan, waxaanay rajaynayaan inay u gudbaan wareegga siddeedda isla markaana ay guulaha Champions League isku illowsiiyaan dhibaatooyinka ka haysta horyaalka Premier League, iyadoo markii saddexaad afar sannadood gudahood u gudbaysa wareegga siddeedda.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ayaa haysata rikoodh cajiib ah oo ku aaddan naadiyada Jarmalka ee ugu yimaadda garoonkeeda, waxaana 20 kulan oo ay marti gelisay kooxo waddankaas kasoo jeeda aan marna laga badinin iyagoo 16 badiyey afarna barbarro galay.

Muddadaas 20ka ciyaarood ah, Liverpool ayaa kooxaha reer Germany ka dhalisay 52 gool, halka iyadana laga dhaliyey sagaal gool oo kaliya, waana rikoodh cajiib ah.

Kulanka caawa ee waddanka Hungary, Liverpool ayaa marti loo yahay maadaama RB Leipzig ay saamaysay xayiraadda Korona ee Jarmalku saaray UK, taasina sabab u noqotay inay tegi kari waydo Merseyside oo ciyaartan loo raray Budapest.

Xaqiiqooyinka iyo rikoodhada labada kooxood

Intii ka dambaysay guul-darradii finalkii Champions League ee 2012-13 ay Bayern Munich u geysatay isagoo jooga Bayern Munich, tababare Jurgen Klopp kama badin koox kale oo Jarmal ah, waxaana saddex jeer oo uu ka hor tegay naadiyo waddankiisa ah uu guuleystay laba iyo mar barbarro ah. Dhamaan kulamadan ayaa ahaa wareegga 16ka tartanka Champions League.

Liverpool ayaa noqonaysa kooxdii saddexaad ee Ingiriis ah ee ka hor tagta RB Leipzig tan iyo bilowga xilli ciyaareedkii hore, waxaana hore ula soo ciyaaray Tottenham iyo Manchester United, waxaana xasuuq u geysatay Man United wareeggii hormooyinka ee xilli ciyaareedkan iyadoo 5-0 ku garaacday.

Reds ayay u tahay markii 21aad ee ay martigeliso koox Jarmal ah tartamada Yurub, waxaana aan laga badinin 20ka mar ee  hore, iyadoo rajaynaysa inay caawana sidaas oo kale yeesho.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs RB Leipzig

Advertisements

Tartanka: Champions League, lugta labaad ee wareegga 16ka

Waqtiga: 11pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Buskas Arena

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Klopp ayaa kulankii Fulham sameeyey toddoba isbeddel iyadoo uu ciyaartoydiisa qaarkood usii dhigtay kulanka caawa ee RB Leipzig, hase yeeshee waxa shaki ku jiraa in Roberto Firmino iyo Ozan Kabak ay taam u noqon doonaan ciyaartan caawa.

James Milner ayaa sidoo kale seegay tababarkii kooxdiisa ee ka hor kulankan inkasta oo aanay Liverpool faahfaahin ka bixin, waxaase uu Jurgen Klopp hore usii sheegay in Kabak uu rajaynayo in Kabak uu diyaar u noqdo ciyaartan.

Haddii Firmino uu ciyaartan taam u noqdo, Klopp waxa uu go’aan ka gaadhi doonaa haddii ay isaga iyo Sadio Mane kula soo bilaaban doonaan Diogo Jota iyo Mohamed Salah oo ay u badan tahay in ay safka hore iyagu kasoo muuqdaan.

Advertisements

Sadio Mane ayaa kaydka kusoo bilowday kulankii Fulham, waxaana ay shaxda hore kusoo wada laaban doonaan Fabinho, Alexander-Arnodl iyo Thiago Alcantara oo intuba soo nastay.

Jordan Henderson, Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip ayaa Liverpool ka dhaawacan, waxaana sidoo kale aan joogin goolhayaha labaad ee Caoimhim Kelleher oo muddo dhaawac ahaa, halka uu shaki ku jiro Firmino, Kabak iyo Milner.

Naby Keita ayaa ciyaartan kusoo bilaaban doona, sababtoo ah RB Leipzig ayuu aqoon fiican u leeyahay maadaama uu hore ugu soo ciyaaray.

RB Leipzig ayaa iyadana uu ka maqnaanayaa difaaca bidix ee Angelino ee amaahda kaga maqan Man City oo ku lug yeeshay 11 gool oo kooxdiisa Leipzig ay dhalisay xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu dhaawac ku maqnaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Tababare Nagelsmann ayaa sidoo kale ay ka maqan yihiin Konrad Laimer iyo Dominik Szoboszlai halka uu shaki ku jiro Marcel Sabitzer iyo Willi Orban.

Shaxaha Macquulka ah ee labada kooxood

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Phillips, Kabak, Robertson; Thiago, Fabinho, Wijnaldum; Jota, Salah, Mane

RB Leipzig: Gulacsi; Mukiele, Upamecano, Klostermann; Adams, Sabitzer, Kampl, Olmo, Halstenberg; Sorloth, Nkunku

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*