Hordhac: Liverpool vs Man City – Klopp vs Guardiola – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Ugu Weyn Isbuucaan Horyaalka Premier League.

Advertisements

Kulanka ugu weyn isbuucaan horyaalka Premier League ayaa ka dhici doona garoonka Anfield, waa mid ka mid ah kulamada loogu jecel yahay wakhtigaan qaaradda yurub.

Liverpool oo hogaamineysa horyaalka ayaana soo dhaweyneysa Manchester City oo difaacaneysa tartanka, labadaan kooxood farqi lix dhibcood ah ayaa u dhaxeeya kadib 11-kulan oo la ciyaaray, waxaana la sugi doonaa sida uu xaal noqdo.

Pep Guardiola iyo wiilashiisa waxey fadhiyaan kaalinta 4-aad ee horyaalka maadaama ay natiijooyin fiican heleen Chelsea & Leicester City, waxeyna u baahan yahiin guul ay gaaraan si ay tartanka uga dhigaan mid xiiso badan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Liverpool vs Man City

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield

Saacadda: 7:30 Fiidnimo (XGA)

Garoonka: Michael Oliver (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Guardiola ayaa xaqiijiyay in Ederson Moares uu seegi doona kulanka Liverpool kadib markii laga saaray kulankii Atalanta, kaliyana ma ahan xiddiga ka maqan kooxda difaacaneysa horyaalka, waxaa jira dhawr ciyaartoy oo kooxda ka maqan.

Zinchenko, Laporte, Rodri iyo Leroy Sane ayaa kooxa ka maqan kuwaas oo aan la fileynin iney xitaa safarka ka qeyb gali doonaan.

Raheem Sterling ayey macquul tahay inuu kusoo bilowdo kulankiisii 200-aad ee Premier League, 77-jeer wuxuu ku helay Liverpool ka hor inta uusan 2015 kasoo wareegin.

Dhinaca kale Liverpol waxaa ka maqan Matip, waxaana booskiisa galaya Dejan Lovren oo la istaagi doona Virgil van Dijk.

Henderson ayaa noqon doona ciyaarinkii 6-aad ee 250 kulan u ciyaara Liverpool kulamada Premier League, waa hadii uu maanta ciyaaro.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool:

Alisson; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane

Man City:

Bravo; Walker, Otamendi, Fernandinho, Mendy; De Bruyne, Gundogan, Bernardo; Mahrez, Aguero, Sterling

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa la kulantay kaliya hal guuldaro 28-kii ciyaarood ee ugu dambeeyay oo ay gurigeeda kusoo dhaweysay Man City kulamada horyaalka heerka koowaad, kulan dhacay 2003 oo ay 1-2 ku badisay ayaa ugu dambeeyay, sidoo kalana 16-kii ciyaarood ee ugu dameeyay kulamada Premier League kuma badin Anfield.

Kadib markii ay afar jeer oo xiriir ah guuldaro kala kulantay Liverpool intii u dhaxeysay 2015-16, Man Ciy ayaa hal guuldaro la kulantay shantii ciyaarood ee ugu dambeeyay horyaalka 2-guul iyo 2 barbaro ayaa u dheeri ah.

Manchester City ayaan wax guul ah kasoo qaadan 16-kii ciyaarood oo ay kulamada Premier League u safartay Anfield, waana kooxda dhibaatada ugu badan ku qabto taariikhda tartankaan

Advertisements

Liverpool ayaa ah kooxda ugu badan ee guul ka gaartay kooxaha difaacanaya Premier League, 21-jeer ayey ka guuleysteen, guuldaro ay koox difaacaneysa horyaalka Anfield kaga qaadato waxaa ugu dambeysay Man United oo 0-1 ku badisay 2007, wixii markaas ka dambeeyay lix guul iyo 5 barbaro ayey heshay.

Kani waa kulankii 35-aad oo Premier League ku dhexmaraya kooxda difaacaneysa iyo kooxda hogaamineysa, min 9-jeer ayey kala badiyeen, 16-jeerna barbaro ayey galeen, Man City ayaana kooxda difaacaneysa 2-1 ku garaacday bishii January 2019

13 responses to “Hordhac: Liverpool vs Man City – Klopp vs Guardiola – Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Ugu Weyn Isbuucaan Horyaalka Premier League.”

    • Uma muqat0 inay city kubadinayz0 anfilde zabat0 zanadkan waa shaq0 ayay rapaan ciyart0yda livarp00l
      Maadama 00sanadki h0re Hal dhipic lagaga qaday h0ryaalka

      • Insha allaH livarp00l gurigeeda way ka ilaa linayza inay ceep kala kulant0 insha allaH way badinayaan inamada kl0p ee kala aH mane io firmin0 and salaH

  1. Guul insha allah Liverpool way badinaysaa caawa Liverpool 3-0 Manchester city πŸ’ͺπŸ’ͺπŸ’ͺπŸ’ͺπŸ’ͺ