Hordhac: Liverpool vs Leicester | Klopp vs Rodgers – Kulanka Sawirka Cusub Ka Bixinaya Horyaalka, Foxes Oo Hoggaanka La Wareegii Karta & Reds Oo Imtixaan Adag Maraysa

Advertisements

Liverpool ayay sugaysaa ciyaar adag oo tijaabo weyn ku ah xili ciyaareedkeeda, taas oo ay maanta ku qaabilayso kooxda sida fiican u habaysan ee Leicester City oo hoggaanka horyaalka lumisay shalay balse dib ugu noqon doonta haddii ay guuleysato.

Tababare Jurgen Klopp ayay ciyaartani ugu soo beegantay xilli ay ciyaartooyo badani ka dhaawacan yihiin, isla markaana kuwo kale xanuun uga jiifaan, khadkoodana difaacuna yahay mid madhan oo aan la saadaalin karayn.

Brenden Rodgers ayaa isaguna qaba dhaawacyo laakiin kooxdiisa ayaa ah midda haysata xorriyadda gool dhalintu u furan tahay oo shabaqa la saaxiib ah, taas oo ay ku mutaysatay inay hoggaanka horyaalka la wareegto usbuuciyadii ugu dambeeyey balse ay xalay Tottenham ka sare martay, waxaanay kaalintooda hoggaanka dib ugu soo ceshan doonaan guul ay ka gaadhaan Liverpool.

Advertisements

Kulankan ayaa bixinaya sawir weyn oo muujinaya sida ay Liverpool u ekaan doonto xili ciyaareedkan, sababtoo ah, waa ciyaartii ugu horreysay ee ay dheelaan intii ay dhaawacmeen Joe Gomez oo xili ciyaareedka oo dhan maqnaanaya iyo Trent Alexander Arnold oo muddo bil ah maqnaanaya.

Liverpool ayaa noqotay koox ay dhaawacyo dishoodeen, waxaana hore uga maqnaa Virgil Van Dijk oo xili ciyaareedka oo dhan maqnaanaya, Thiago Alcantara oo ay isku maalin dhaawacmeen illaa haddana aan taam ahayn iyo Fabinho oo la filayo inuu qayb ka noqdo kulanka caawa. Waxa kale oo u raacay dhaawacyada Joe Gomez, Jordan Henderson iyo Andy Robertson oo xulalka kusoo dhaawacmay toddobaadkii hore, laakiin labada dambe ayaa la sheegayaa inay ciyaari karayaan maanta. Waxa kale oo dhibaatada kusii kordhiyey Mohamed Salah oo uu ku dhacay Korona Fayras.

Dhibaatada Liverpool ayaa dabo la qabto aan lahayn, waxaana xataa dhaawacyo qaba labadii difaac ee aan rasmiga ahayn laakiin dhibaatada ay kaga bixi lahaayeen ee Rhys Williams iyo Neco Williams.

Arrinta kaliya ee niyadda wanaagsan siinaysa Liverpool ka hor ciyaartan ayaa waxay tahay in garoonkeeda Anfield oo aan lagaga badin 63kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ay ku ciyaarayso oo ay rajaynayso inuu isagu caawin doono.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs Leicester City

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 10:15pm

Garoonka: Anfield.

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Sidii aan xagga horeba kusoo xusnay, Liverpool waxa kala daadiyey dhaawacyo bannaanka dhigay intii ugu muhiimsanayd gaar ahaan difaaca.

Robertson ayaa u muuqda inuu kasoo kabtay dhaawacii kasoo gaadhay kulamada caalamiga ah, waxaanu kusoo bilaaban doonaa difaaca bidix, laakiin Van Dijk iyo Gomez ayaan xisaabta ku jirin, waxaana liiska maqaneyaasha kula jira Alexander-Arnold oo toddobaadyo bannaanka ahaanaya.

War ay ku diirsadeen jamaahiirta Liverpool ayaa waxa uu yahay in Fabinho iyo Thiago Alcantara ay u dhow yihiin inay taam buuxa noqdaan, inkasta oo Jurgen Klopp uu meesha ka saaray suurtogalnimada in Thiago uu ciyaarayo, hase yeeshee wuxuu iclaamiyey in Fabinho uu tababarka si fiican ula qaatay kooxda.

Difaaca kaliya ee dhexe ee la aqoonsan yahay ee ay Liverpool haysato waa Joel Matip oo isagana heerkiisa ciyaareed aanu gaadhsiisnayn kuwa dhaawaca balse haddana xalka kaliya ee la hayaa uu isaga yahay.

Nat Phillips ayaa kusoo bilaaban doona haddii uu Fabinho taam buuxa noqon waayo, waxaanu laacibkani hore u muujiyey inuu leeyahay awood uu ku buuxin karo boosaska laga maqnaado. Sidoo kale, Rhys Williams oo isaguna dhaawac qabay ayaa laga yaabaa inuu ciyaari karo oo uu difaaca dhexe kula soo bilowdo Matip, taas oo haddii ay dhacdo keenaysa in Neco uu buuxiyo booskii Alexander-Arnold ilsa markaana uu James Milner dhexda hore ku kordhiyo khibrad.

Advertisements

Diogto Jota, Firmino iyo Sadio Mane ayaa afka hore wadaagaya oo taam ah, laakiin dhexda ayaa Hendereson iyo Wijnaldum uu Jurgen Klopp raadin doonaa laacibkii kula soo bilaaban lahaa, isagoo kala dooran doona Xherdan Shaqiri, Naby Keita iyo Curtis Jones.

Dhinaca Leicester City, waxa dib ugu soo laabtay Timothy Castagne iyo Wesley Fofana. Sidoo kale, Ricardo Pereira ayaa u dhow inuu garoomada kusoo noqdo, balse Wilfred Ndidi, Daniel Amartey iyo Caglar Soyuncu ayaa dhaawac ku maqnaanaya.

Jamie Vardy oo siddeed gool soo dhaliyey ayaa hoggaamin doona safka weerarka , waxaanu awood u yeelan karaa inuu barbarreeyo rikoodhkii Thierry Henry ee ahaa inuu shan ciyaarood oo isku xigta oo horyaalka ah goolal dhaliyo, laakiin waa haddii uu taabto shabaqa Liverpool.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Liverpool: Alisson; N Williams, Fabinho, Matip, Robertson; Jones, Wijnaldum, Keita; Jota, Firmino, Mane

Leicester City: Schmeichel; Fofana, Evans, Fuchs; Castagne, Mendy, Tielemans, Justin; Maddison, Vardy, Barnes

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*