Hordhac: Leicester City vs Arsenal – Miyuu Kulankaan Noqon Doonaa Midkii Ugu Dambeeyay Unai Emery Leyliyo Gunners?

Advertisements

Leicester City waxey diyaar u tahay iney u tartanto sanadkaan afarta sare, Rodgers ayaana doonaya iney wiilashiisa dagaalka ka qeyb noqdaan, haatan waxey fadhiyaan booska afaraad, balse waxey heli karaan fursad ay kaalmaha ka horreeya ku gaaraan hadii ay guul helaan caawa.

Kulankaan waxaa loo maleynayaa inuu noqdo midkii ugu dambeeyay uu Arsenal maamulo tababare Unai Emery, guuldaro uu kala kulmo dhigiisa Rodgers ayaa keeni karta in shaqada laga ceyriyo.

Macalinkii hore PSG waxaa saaran cadaadis weyn, saddexdii ciyaarood ee ugu dambeysay dhamaan tartamada oo dhan wax guul ah ma gaarin, waxeyna lumin karaan booskooda shanaad hadii ay la kulmaan guuldaro.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Leicester City vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Garoonka: King Power Stadium

Saacadda: 8:30 Fiidnimo (XGA)

Garsoore: Christopher Kavanagh (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Granit Xhaka ayaa wali ka maqan kooxda Arsenal, Unai Emery ayaana xaqiijiyay in xiddiga qudhiisa uu go’aansaday inuusan kusoo laaban safka kooxdiisa.

Hector Bellerin ayaa la rajeynayaa inuu kusoo bilowdo daafaca midig maadaama uusan ciyaarin Europa League, sidoo kalana David Luiz ayaa dib ugu soo laaban kara safka hore.

Dani Ceballos ayaa laga yaabaa inuu seego kulankaan maadaama uu dhaawac yahay, taasna waxey ka dhigan tahay in Pepe iyo Ozil ay fursad u heli karaan iney wada ciyaaraan.

Dhinaca kale Rodgers wax dhibaato ah ma qabaan ciyaartoydiisa, waxaana la fahamsan yahay inuu dooran dooo shaxdii uu ku wajahay Palace.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Leicester City:

Schmeichel; Pereira, Evans, Soyuncu, Chilwell; Ndidi, Tielemans; Perez, Maddison, Barnes; Vardy

Arsenal:

Leno; Bellerin, Sokratis, Luiz, Tierney; Guendouzi, Torreira; Pepe, Ozil, Aubameyang; Lacazette

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulanka maanta waa midkii 142-aad ee labada kooxood tartan rasmi ah ku dhexmara, Gunners ayaa heshay 66-jeer guul halka Foxes ay heshay 31-guul qura.

Advertisements

Inkastoo Gunners ay ka taariikh wacan tahay dhigeeda, hadana Foxes ayaa guul heshay mid walba oo ka mid ah labadii kulan oo ay King Power kula ciyaartay Gunners.

Leicester City ayaa guul ku gaartay 3-0 kulan dhacay April sanadkaan, waana markii ugu dambeysay oo ay ku kulmaan King Power Stadium.

7 responses to “Hordhac: Leicester City vs Arsenal – Miyuu Kulankaan Noqon Doonaa Midkii Ugu Dambeeyay Unai Emery Leyliyo Gunners?”

  1. arsenal Cawaa halaga baadiyo waayo Waxan rabna in laa caydhiyo unai isaga iyo xulaafadisa zerob ah BAA

  2. Arsenal caawa maba dhaafeyso Leicester city waayo tababaraha ma aha mid wax ku soo kordhin karaa marka caawa waa last match.

  3. horta miyaad waalan tihiin Leicester
    ma fadhido booska afaraad ee wxy fadhidaa booska 3aad ee qoraalkiina ufiirsada hana yasiina kooxaha yaryar

  4. Insha allah wxaan rajinayaa in arsenal caaawa laga badiyo wyo couchkan ma ah mid aqoon dherad uleh ino mel garsiiyo teamkan ……… I wish king will be winner to night in order to miss this poor manager we have arsenal…..let this man go out…