Kooxda caasimada Talyaaniga metelaysa ee Lazio ayaa caawa gegida Stadio Olampico kusoo dhawaynaysa kooxda difaacanaysa Champions League ee Bayern Munich kulan ka tirsan wareega 16-ka ee tartankaas.
Lazio ayaa Group-keedii kaga dhammaysatay booska 2-aad iyagoo ka dambeeyay kooxda Borussia Dortmund sidaasna ugu gudbay wareegyada bug-baxa tan iyo 2000 halka ay Bayern si raaxo leh kaga soo baxday Group A.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Lazio ayaa laf filayaa inay ka maqnaan doonaan Luiz Felipe, Stefan Radu, Thomas Strakosha iyo Silvio Proto oo dhammaantood dhaawacyo qaba.
Ciro Immobile oo hore uga ducaystay inay ku aadaan Bayern Munich iyo Correa ayaa weerarka kusoo wada bilaaban doona xilli tababare Inzaghi uu doonayo inuu orodkooda uga faa’idaysto daafaca weerarka ka qayb qaata ee Bayern.
Sidoo kale Bayern ayay ka maqnaan doonaan xiddigo dhawr ah oo ay kamid yihiin Benjamin Pavard iyo Thomas Muller oo sababo Korona Fayras ku seegaya.
Corentin Tolisso, Serge Gnabry, Douglas Costa, goolhaye Nubel iyo Tanguy Nianzou ayaan sidoo kale Rome u safrayn sababtoo ah dhaawacyo ay qabaan.
Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood
Lazio: Reina; Patric, Acerbi, Musacchio; Lazzari, Milinkovic-Savic, Lucas, Alberto, Marusic; Correa, Immobile
Bayern Munich: Neuer; Sule, Boateng, Alaba, Davies; Kimmich, Goretzka, Martinez; Sane, Lewandowski, Coman
Xogta Kulanka
Tartanka: Champions League
Garoonka: Stadio Olampico
Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore; Orel Grinfeld
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora