Hordhac: Eibar vs Real Madrid – Los Blancos Oo Dooneysa Iney Wadada Guulaha Horyaalka La Liga Kusoo Laabato.

Advertisements

Real Madrid ayaa dooneysa iney dib ugu soo laabato wadada guulaha horyaalka La Liga kadib markii ay ku fashilmeen iney saddex dhibcood ka helaan Real Betis kulankii ugu dambeeyay, balse markaan waxey safrayaan iyagoo ku baashaalay Galatasaray.

Zidane wiilashiisa ayaa si niyad leh ku aadaya Eibar, waxaana la filayaa mar kale inuu wacdarahiisa dhigi doono da’yarka reer Brazil Rodrygo kaas oo dunida isku muujiyay isbuucii laga soo gudbay.

Eibar oo fadhisa booska 14-aad ee horyaalka ayaa isha ku heysa iney gurigeeda ku disho kooxda Real Madrid, natiijo wanaagsan oo ay helaan kooxda martida ah waxey u sahli kartaa iney saacado si kali ah ugu raaxeystaan hogaanka horyaalka.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Eibar vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Garoonka: Ipurua Municipal Stadium

Saacadda: 8:30 Fiidnimo (XGA)

Garsoore: Adrian Cordero Vega (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Ivan Ramis ayaa dhaawac muruqa ah uga maqnaan doona kooxdiisa Eibar, halka shaki la galinaayo Roberto Correa oo isna muruqa dhibaato ka qaba.

Marco Asensio iyo Nacho ayaa dhaawacyo muddo dheer ku maqan, sidoo kale James iyo Gareth bale ayaa laga saaray kooxda, halka Marcelo uu dhaawac kaga maqnaanayo ciyaartaan.

Carvajal iyo Mendy ayaa ka jooga ciyaartoy garbaha ka ciyaarta, sidoo kalana Ordiozola ayaa looga soo tagay gurigiisa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Eibar:

Dmitrovic; De Blasis, Oliveira, Arbilla, Cote; Orellana, Escalante, Diop, Inui; Kike, Charles

Real Madrid:

Courtois; Carvajal, Varane, Ramos, Mendy; Kroos, Casemiro, Modric; Hazard, Benzema, Rodrygo

Advertisements

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaa guuldaro la kulantay hal jeer, 10-kii ciyaarood ee ugu dambeeyay oo ay Eibar ku wajahdo kulamada La Liga 8-guul iyo 1-barbaro, balse guuldaradaas waxey soo gaartay markii ugu dambeysay ay aado aado Ipurua (November 2018) markaasna 3-0 ayaa lagu dilay.

Comments are closed.